Home Afsomali Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Abiy oo ku wajahan dalka Kenya (DAAWO SAWIRADA)

Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Abiy oo ku wajahan dalka Kenya (DAAWO SAWIRADA)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga ah ee Itoobiya Mudane Abiy Axmed ayaa goor dhaw u ambabaxaya magaalada Nayroobi halkaas oo ay wadahadallo saddex geesood ah kula yeelan doonaan Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatta.

Wadahadalladii u socday Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa goor dhaw soo gabagaboobay, waxayna isla garteen in soo celinta iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya ay muhiim u tahay guud ahaan gobolka.

Wadahadalladii ay madaxdu yeesheen gelinkii hore ee maanta ayaa waxaa la isla soo qaaday xoojinta xiriirka labada dowladood iyo dardargelinta isdhexgalka dhaqaale ee gobolka si loo abuuro jawi ganacsi iyo maalgashi oo waxtar u leh shucuubta gobolka.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa sidoo kale isla gartay muhiimadda ay leedahay in dalalka gobolku yeeshaan wadashaqayn xooggan iyo in arrimaha diblomaasiyadeed lagu xalliyo isfaham iyo wadahadal.

Madaxda labada dal ayaa ka wada hadlay sare u qaadidda wadashaqaynta ka dhexaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland si loo xoojiyo midnimada dadka Soomaaliyeed.

Labada dhinac ayaa ugu danbayntii isla meeldhigay iskaashiga dhinaca Amniga ee dalalka gobolka iyo dardargelinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab oo u taagan gumaadka shacabka aan waxba galabsan iyo curyaaminta dowladnimada Soomaaliyeed.

 

f3c42fed-3788-47e8-9903-8e66397ed05e
e397a1b3-6416-4238-9d93-ebe3daa9640f

 

a6dc3aee-ae6d-48bb-8462-5f81258b85be
93a991a4-670b-4bbe-9a83-150e12da7645
027cbc7b-702e-43a1-9844-44f34ab51765
5d568737-b30f-43dc-b2af-c9d7ba1f519f
cd249292-68a0-478a-95ec-701349a7f613
6e0581c3-1d0b-476f-a932-8d29772f908a
8289403c-802f-46c4-a987-304eecf73e9b
80f0b97b-fe14-47a4-a0e5-5f2e79521662
28c6cc30-2f78-4ce7-bb8a-b3226ab852e1

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.