Home Afsomali Farmaajo oo kormeeray Dugsiga Tababarka Militariga ee Kambaala(DAAWO SAWIRADA)

Farmaajo oo kormeeray Dugsiga Tababarka Militariga ee Kambaala(DAAWO SAWIRADA)

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galabta kormaaray askar ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo tababar Layli Sarkaal ah ku qaadanaya Dugsiga Tababarka Militariga Kabamba ee dalka Uganda.

Saraakiishan uu tababarku uga socdo Xerada Kabamba oo ku taalla bartamaha Uganda ayaa tiradoodu ku dhawdahay 100, waxaana la filayaa in ay bartamaha sanadkan dib ugu soo laabtaan dalka si ay uga qayb qaataan dhismaha iyo tababarrada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo dhiirrigelin u sameeyay saraakiishan ayaa adkeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ahmiyad weyn siineyso sidii saraakiishan iyo kuwa lamidka ah ee tababarrada ku maqan ay uga qayb qaadan lahaayeen dagaalka dalka looga sifeynayo kooxaha Argagixisada ah.

Dhankooda, saraakiishan ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyay mudnaanta uu siiyay inuu arko tababarka ay qaadanayaan, waxayna sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin booqashada Madaxweynaha.

Madaxweynaha iyo wafdigii la socday ayaa caawa dib ugu soo laabtay magaalada Kampala, waxaana maalinta berri ah uu khudbadda xiritaanka ka jeedinayaa shir diiradda lagu saarayo arrimaha nabadgalyada, isdhexgalka iyo koboca dhaqaalaha Qaaradda Afrika.

DHAMMAAD

ff86372b-4a41-40db-8ed7-0b6aceafa3a2
d7ebc8d6-7cbd-4d79-bc81-8235866cdd60
aa353da9-23e0-423a-99ad-50a49f19e342
834cb24c-fa04-4ae9-9b3b-e0f8e20f8602
d7cdf268-b403-4352-b3ae-279de46b7203
b3410c42-9382-4673-ba9d-cefee7296c0b
dd9028a1-0e8f-4214-ad46-5c343fedbb8d
dfef128f-ca99-41eb-bff0-6817b36f290c
3aee59ae-67c6-4450-acf0-bba37e38a09e
f19498de-fd27-4cbf-bd69-ccb590c9a2c8

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.