Ganacsadaha isagaa adeegta
Siyaasiga bulshada ayuu u adeegaa
Ganacsadaha waa qof isaga is-wada
Siyaasiga waa qof ay bulshadu wadato
Ganacsadaha yoolkiisu waa lacag raadi
Siyaasiga yoolkiisu waa qaran raadi
Ganacsadaha maahan qof u adeega siyaasiga
Siyaasiga waa qof u adeega ganacsadaha
Ganacsadaha dhaxalkiisa waxaa leh qoyskiisa
Siyaasiga dhaxalkiisa waxaa leh bulshada
Ganacsadaha wuxuu leeyahay tilmaan maamule
Siyaasiga wuxuu leeyahay tilmaan hoggaamiye
Ganacsadaha kuma yimaado doorashada bulshada
Siyaasiga wuxuu ku yimaadaa doorashada bulshada
Ganacsadaha xeer uu dhigtay ayuu ku shaqeeyaa
Siyaasiga xeer ay bulshadu dhigatay ayuu ku shaqeeyaa
Ganacsadaha wuxuu awoodaa in uu ganacsigiisa la guuro
Siyaasiga ma awoodo in uu siyaasaddiisa la guuro
Ganacsadaha wuxuu ka shaqeeyaa howl uu isagu isu-diray
Siyaasiga wuxuu ka shaqeeyaa howl ay bulshadu u dirsatay
Ganacsadaha xeer celiya hadduusan jirin, dadka ayuu laayaa
Siyaasiga xeer celiya hadduusan jirin, dadka ayuu dhacaa
Ganacsadaha diyaar uma ahan in shaqadiisa lagula xisaabtamo
Siyaasiga wuu ku khasban yahay in shaqadiisa lagula xisaabtamo
Ganacsadaha barnaamijkiisa oo dhan wuxuu salka ku hayaa aniga
Siyaasiga barnaamijkiisa oo dhan wuxuu salka ku hayaa innaga
Ganacsadaha wuxuu dhisaa xoog dhaqaale oo si gaar loo leeyahay
Siyaasiga wuxuu dhisaa xoog siyaasadeed oo si guud loo leeyahay
Ganacsadaha wuxuu seyladda geeyaa agab uu dadka ka iibinayo
Siyaasigu wuxuu fagaaraha geeyaa fikrad uu bulshada ka iibinayo
Ganacsadaha wuxuu hor-jooge u yahay shaqaale uu isagu doortay
Siyaasiga wuxuu hor-jooge u yahay dad-wayne isaga dooratay
Ganacsadaha hoggaankiisa maahan mid ay shaqaalaha ka helaan tamar
Siyaasiga hoggaankiisa waa mid ay dad-waynuhu ka helaan tamar
Ganacsadaha khasaaraha shaqadiisa ka dhasha waa isaga oo muflis noqda
Siyaasiga khasaraaha shaqadiisa ka dhasha waa qaranka uu bur-bura
Ganacsadaha talo iyo tabar wuxuu isugu geeyaa si ganacsigiisa u faa’iid
Siyaasiga talo iyo tabar wuxuu isugu geeyaa si bulshado berya-samaad u gaadho
Qore: Dr. Saadiq Enow