Home Afsomali Fu’aad Yuusuf Cal Adoo nabad u balawaara, beloy kaalay lama yiraa.

Fu’aad Yuusuf Cal Adoo nabad u balawaara, beloy kaalay lama yiraa.

 

Fu’aad Yuusuf Cali, waxa uu ahaa Duuliye ka tirsanaa ciidamada cirka dowladda Jabuuti, hadda waa dambiile galay dambiyo culus marka laga tixraaco xeerka ciidamada qalabka sida ee dalkaasi.
Fu’aad, ka sokoow dambiyada u qrasan, waxaa lagu hayaa caddeymaha dambiyo waaweyn oo ay ka mid yihiin muuqaalo uu duubay isaga oo labbisan diriiska ciidamada kuna dhex sugan mid ka mida diyaaradaha dagaalka ee uu duuliyaha ka ahaa, Fu’aad muuqaalkaas waxa uu ku sheegay in uu qorsheynayo in uu la goosto/la baxsado diyaara, taas oo ah fal dambiyeed culus.
Maalmo kadib muuqaalkaas Fu’aad waxa uu si sharci darro ah ugu baxsaday dal shisheeye, waxaana muddo kadib gacanta ku soo dhigay ciidamada sirdoonka jamhuuriyada Jabuuti.
Dhanka kale wasaaradda difaaca dowladda Jabuuti waxa ay soo bandhigtay caddeymo kale oo muujinaya heerka ay gaarsiisanyihiin fal dambiyeedyada Fu’aad galay.
Marka laga tago muwaadinkaas dambiga ka galay dadkiisa, waxaa maalmaha socday abaabul ka dhan ah Nabada iyo xasiloonida dalka iyo dadka Nabada ku soo caana maalay ee Jabuuti.

Waa tilaabooyin nassiib darro ah oo aan laga fiirsan waxa maalmihii la soo dhaafay ka dhacay Jabuuti.
Waxaan leeyahay walaalaha ree Jabuuti ku waana qaata waxyeelada dhankasta leh ee gaarta waalihiin ree Soomaaliya, siina adkeeya midnimada iyo wadajirkiinna.
Soomaalida ayaa horay uga hadashay dhibta laga dhaxlo marka adiga oo gayi Nabad ah jooga colaada u durbaan tumato.
• Nabad la’aani waa nolol la’aan.
• Adoo nabad u balawaara, beloy kaalay lama yaraa
• Nabad baa naas la nuugo leh

Islaamka iyo Nabada.
Islaamka ayaa ah diinta nabada isa saamixida, jacaylka iyo barwaaqada, iskaba daaye magaca islaam ayaa ah nabad.
Allaah magacyadiisa waxaa ka mid ah Alsalaam oo ah nabadeeye هو الله الذي لا إله) إلا هو الملك القدوس السلام )
meelka kale alle sw wuxuu ku amray in nabad galyada la soo galo oo ah islaamka (يا أيها الذين آمنوا ادخلوا في السِّلْمِ كافةً ، و لا تتبعوا خطوات الشيطان إنه لكم عدوٌ مبين )
islaamka taariikhdiisa qofkii akhriya wuxuu arkayaa in islaamku nabad iyo xasilooni keenay goor aduunku uu bohol ku sii dhacay gaar ahaan qowmiyadii carabta, waxaa jiray dagaalo boqolaal sano socday, waa tuu islaamku heshiisiiyay qabiilooyinkii carabta oo dhan gaar ahaan Aws iyo Khasraj oo wada deganaa magaalada Madiina dagaalkooduna socday 120 sano, islaamka ayaa mideeyay carab iyo cajam, wuxuu hal dowlad ka dhigay carab , furus, roomaan iyo afrikaan hal diinna isugu keenay, nabiga scw ayaa laga wariyay inuu yiri «كُلُّكم لآدمَ، وآدم من ترابٍ، لا فضلَ لعربيٍّ على أَعْجَمِيٍّ إلا بالتقوى» dhamaatiin aadan baad ka timaadeen, aadanna carada ayaa laga abuuray, carabi kama fadli badna cajami dhowrsananta iyo alle ka cabsiga mooyee, Xadiiskaas ayaa waxaa laga fahmayaa in meel lagu tuuray waxyaabaha dadka isku dira oo colaada keena, sida kala duwanaashaha qowmiyadaha midabka iyo dhaqaalaha,
Islaamka ayaa la yimid adaabta nabada sida balan oofinta, run sheegida, u doorida, la dagaalanka dulmiga, doorashada nabada wixii daruuri maahee , iyo oogida cadaalada[2]
Islaamka ayaa nabad siiyay dadka diimaha kale wata markii ay hoos yimaadaan islaamka sida taarikhda ku qoran, yuhuud nasaaro waxaa loo ogolaan jiray inay diintooda ku dhaqmaan khamradooda cabaan xukunadooda isku fuliyaan, hadii khamro laga daadiyo xitaa waa loo gudi jiray, markay cadaalada islaamka arkaan iyagaa soo gali jiray diinta nabad ee islaamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.