Musharax Xildhibaan Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Yuusuf Maxamed Cali (Xalaal) Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Magalada Baladweyne
Wafdigaan Balaaran oo uu hogaaminaayey Musharax xildhibaan Yuusuf Maxamed Cali (Xalaal) oo u sharaxan kursigaa tirsigiisu yahay 109 ee doorashada 2021 ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada baladweyne ee Gobolka Hiiraan
waxaana musharaxa la socday qaar ka mid ah madaxda dhaqanka culumaaudiin dhalinyaro haween ka soo jeedo gobolka Hiiraan
Garoonka Ugaas Khaliif ee magaalada Baladweyne ayaa waxaa ugu hortagay madax masuuliyiin ganacsato ururada bulshada iyo shacab isku duuban kuwaa oo uu musharaxu ku gacan qaaday iskuna marxabeeyee gudaha garoonka
Waxaana soo dhaweyntiisa ka mid ah cayaaraha hidaha iyo dhaqanka gabayo heeso amaan aha
Wafdiga musharaxa aya soo dhaweyn heerkeedu sareeyo loogu sameeyey xaafada kooshin ee Magaalada Baladweyne halkaasoo ay kudbado ka jeediyeen ogoyasha dhaqanka ee Beelaha afarta makaen waxayna si isku mid ah taageero hiil iyo hooba leh u muujiyeen Musharax xildhibaan Yuusuf Maxamed Cali (Xalaal)
Waxayna iskuugu dareen kalsooni siin amaan dardaaran duco iyo balanqaad iyaga oo musharax ka codasay in uu si dacada ah ugu shaqeeyo beelaha uu kursiga mu matali doono ee Afarta Makane
Guntii iyo gabagabadii waxaa munaasibada soo xiray Musharax xildhibaan Yuusuf Maxamed Cali (Xalaal) oo isla goobta uga dhawaaqay murashgaxnimadiisa wuxuuna sidoo kale ku dhawaaqay howlaha uu u qaban doono hadii ay doortaan ayna ku kaliftay xaalada ay ku sugan yihiin beelaha afarta makane oo uu balan qaaday in uu wax ka badali doono
Intii ay soo dhaweyntiisu socotay waxaa la isla dhaxmarayeyn waa musharaxa kaliya samata bixin kara Beesha afarta makane kursiga deegaan Dooroshadiisu tahay 109
1: khibrad
2 : Daacadnimo
3: Howlkarnimo
4: Xaqdhowr
5: Wadanimo