Home Afsomali Full VIDEO aadan yabaal iyo deegaano kael oo gacanta dowlada garalay

Full VIDEO aadan yabaal iyo deegaano kael oo gacanta dowlada garalay

https://youtu.be/LUFg4eO4_jQ

https://youtu.be/b0hHYXYw4rc

Xiisad Dagaal ayaa maanta ka taagan Degmada Aadan yabaal kadib markii Ciidanka Dowlada iyo kuwa degaanka ay sedex jiho ka galeen Magaalada.

Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa Al Shabaab kala wareegay deegaanadda kala ah, Guulane, Daaru-salaam iyo Xarga-dheerre.

Afhayeenka Ciidanka xoogga Soomaaliyeed Gen. Cabdullaahi Cali Caanood oo shir Jaraa’id qabtay ayaa sheegay in ciidanka ay kusii siqayaan degmadii ugu dambeysay ee kaga sugnaayeen gobolka Shabeelaha Dhaxe.

Ciidamo ay wataan Col,Saney Cabdulle, Cali Xuubey,Macawisleey iyo Cutubyo ka tirsan Gorgor ayaa ku sugan degaan lagu magacaabo Mabaax oo ah banaanka magaalada,sidoo kale Ciidamo uu horkacayo General bixii oo ka baxay Cadalle ayaa ku biiray kuwaas oo fariisin ka dhigtay meel 4km u jirta degmada.

Xaalada ayaa kacsan maanta waxaana xusid mudan in la jaray Isgarsiintii magaalada sidoo kalana ay ka baxeen dhamaan Dadkii shacabka ahaa.

Aadan yabaal ayaa kamida Saldhig yada ugu Waa weyn ee shabaab ay ku lahayeen Gobolka Sh/Dhexe waxana ay la mid aheyn Degaanka Masaajid Cali gaduud oo bil kahor ka baxay Gacan Al shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.