https://youtu.be/-Ft1iBOtmdE
Maareeye Xitaa waxaan baari doonaa doowooyinka gabdhuhu ismariyaa
wasiiirka wasaarada ganacsiga iyo warshadaha dowlada somaliyaa Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa daahfurtay dib u howlgalinta dhismaha hay.ada tayo dhowrka dalka
hay.addaan ayaa loo aasaasay in ay ka hortagto badeecadaha waqtigoodu dhacay ee somaliya loo iibgeeyo ee qatar waxyeelo galin kara caafimaadka guud ee dadka xoolaha iyo kaluunka isla markaana wasaqeyn karta deegaanka
waxayna yareyneysaa keenista iyo waxyeelada raashinka iyo daawada waqtigoodi dhacay iyada oo meesha ka saareysaa in aan ka keeni badeecado tayodoodu liidato si wasaaradu ula socoto badqabka caafimaad ee muwadinka somaliyeed
wariir Xayir Maareeye oo shirka Qudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyey ayaa diirada saara muhiimada ay u leedahay hay,adaani guud ahaanba gacansiga iyo bulshada somaliyeed
wasirka ayaa faahfaahiyey danta iyo ujeedka ay wasaaradu dib ugu howlgalisay hey,ada fayo dhowrka iyo gudiga loo xilsaaray wuxuuna Aqriyey qodobada iyo nambarada xeerka lagu soo saaray
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa uu magacaabay 5 xubnood hey’adda Tayo-dhowrka iyo badqabka Badeedaha Dalka soo gala.
Xubnaha Guddiga Tayo dhowrka Soomaaliyeed waxay kala yihiin
1: Guddoomiye Aadan Xasan Barre
2: Cabdillaahi Salad Xasan Xubin
3: Ibraahim Naxamed Xasan Xubin
4: Fartuun Siidow Macalin Cabdi Xubin
5: Cabdi Saqaawe Cismaan Xubin
Hey’addaan ayaa hoostageysa wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, waxa ay xarumo kala duwan ku yeelan doontaa dhammaan gobollada Dalka, si sare loogu qaado Tayada waxyaabaha Dalka ka soo gala Dekedaha, Garommada iyo Xuduudaha Dalka.
howlaha ay qabato hay.ada tayo waxaa laga arki doonaa sida ay ka yeesho badeecadaha dhacay ama aaan tayo laheyn ee dalka la soo galiyo
https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0