Home Afsomali Full VIDEO Barashada Cilmi falaga iyo Wadayasha marakiibta Xamuulka iyo kaluumeysiga

Full VIDEO Barashada Cilmi falaga iyo Wadayasha marakiibta Xamuulka iyo kaluumeysiga

Waxaa maanta isugu bahda badda oo qado sharaf ugu sameeyeen macalinkii dugsiga machadka sard badda iyo kallumeysiga islamarkaana ahaa Hormuud jaamacada badda Eng Cadde (Duqoow)ahaana Aasaasshii 1aad ee machadka culuunta badda sanadahii 70 meeyadii,qababab qaabadaas oo ay hurmuudka ka ahaayeen  Axmed Cabdi Xasan Wataac iyo Kabtan Cabduqaadir Maxamed Cabdi,oo isla gartay in kulankaas muhiimka ah la qabto,laguna sharfo macalinkoodii Badda,.Macalinka wuxuu soo saaray badmareenada Soomaliya ugu waaweyn ee dhamaan geyiga soomaliya.Halkaana loogu sheegay ardadiisii qaarkood  noqdeen kabtano iyo pilotyo caalamka iyo dalkaba laga aqoonsan yahay.kulankaan uu ahaa kulankii 2aad ee macalinka lagu soo dhaweynayo.mudo 27 sano ka dib.

Munasabad lagu soodhaweynayo Safiirka dalka ruushka  isla markaana ahaa macalinkii aas aaska u ahaa  dugsiga cilmiga badda Oo ay ku soo dhaweynayan  bahda badda somaliyeed ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho .

waxaana ka soo qeybgalay bahada badda  oo ahaa Ardadii uu soo waxbaray oo noqday kabtano nooc walbo leh  kuwaas oo xiligii dowladii dhexe ee dalka xilal kala duwan ka soo qabtay

Bahda badu  waxay kulan soo dhaweynta ah u sameeyeen macalinkoodii ugu weynaa ee soo baray cilmiga xidigiska astroomi iyo sharciga iyo nidaamka badmarista ee qaanuunka caalamiga

badmareenada oo munaasibada ka hadlay ayaa sheegay in ay iloobi doonin Macalin Cabdulaahi warsame maxamuud cade duqow ayna dalka ugu shaqeyn doonaan cilmigii uu baray waxayna xuseen in uu yhay Macalinka kaliye ee soo saaray kabtanada bada marto isla markaana qii,o weyn ugu fadhiyo Bulshada somaliyeed

Safiirka dalka ruushka Macalinka Cilmiga bada baray dhamaan inta maraakiibta wada ayaa u mahadceliyey badmareenada oo uu sheegay in ay haatan isaga uga cilmi badan yihiin xaga badaha

Kabtan cabduqaadir maxmed cabdi masuuliyiinta waaxda bada hadane ka mid ah kabtanada maraakiibta xamuudlka

Xamuulka iyo kaluumeysi dakadaha dalka sida muqdisho berbera  boosaaso  kismaayo iyo xeebaha oo dhan .

Kulanka bahda bada badmaaxinta soomaliyeedoo dib isu raadsaday  waxay soo dhaweynayaan culumo aqoon durugsan u leh macluumaadka bada oo ay wax wada barteen

Waxaana jobjoog ka ah macalinkooda waana is weysi intii la kala maqnaa

Waxay isugu jiraan masuuliyiinti hore ee howlaha badda kuwaas oo si aad ah u yaqaan abtirsiimada sida xadudaha goobaha kheyraadka iyo wadooyinla dunida looga goosho

Waxaa ogsoon nahay bahda badu inaysan ka helin dowladii dalka soo maray wixii ka danbeeyey burburkii dowladii dhaxe meeqaamkii ay lahaayeen waxayna u muuqataan in ay dayacan tahay oo ay iyaga sugeyso  in ay xal u helaan dhibaatooyinka baaxada leh ee ka jira badaha iyo dakadaha somaiyeed

Taasi ayaa keentay in laga wada yimaado gobolaada dalka iyo 5 ta qaaradood oo looga wada tashto ka yeeshaan bahda bada sidii loo samata bixin lahaa dhamaan  dakadaha iyo badaha somaliyeed .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.