Home Afsomali Full VIDEO Bangiga Dhexe ee Somalia oo Dab ka kacay iyo...

Full VIDEO Bangiga Dhexe ee Somalia oo Dab ka kacay iyo Wararkii ugu dambeeyay

65
0

Faah faahino kala duwan ayaa kasoo baxaya dab xoogan oo xalay ka kacay Xarunta Bangiga Dhexe ee Muqdisho,iyada oo Dowlada Hoose ee Xamar ay ku guuleysatay in ay si deg deg ah u damiso Dab ka kacay Bankiga Dhaxe ee Dowlada.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) iyo mas’uuliyiin kale ayaa goobjoog ka ahaa deminta dabka oo la sheegay in uusan geysan wax khasaaro ah.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa uga mahad celisay Shaqaalaha gurmadka deg dega ee Gobolka Banaadir ee ku guuleystay deminta dalkaas,waxaana sidoo kale uu sheegay in dabka laga badbaadiyey hantida taalla Bangiga.

Sidoo kale Guddoomiye Filish ayaa ugu baaqay Shacabka ku nool Gobolka Banaadir inay Guryahooda uga taxadaraan in uu ka kaco dab khasaaro kala duwan geysta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here