Home Afsomali Full VIDEO Bilicda Muqdisho iyo Amaank oo la isku haleyn karo

Full VIDEO Bilicda Muqdisho iyo Amaank oo la isku haleyn karo

Muqdisho waa magaalo leh qurux dabiiciya badweeynta hindiyana ay kaga wareegsan tahay saddex jiho, magaalada oo ah mid qadiimiya ayaa soo martay heerar kala duwan waxa ay soo martay xilli ay hogaanka u heeysay magaalooyinka ugu qurxoon afrika dhanka bilicda iyo nadaafadda.

dhanka kale waxa ay soo martay xilli ay hogaanka u heeysay magaalooyinka ugu bilicda xun afrika, waxaa ka muuqday bur bur baahsan oo soo gaarey dhismihii bilicda lahaaa, waxaa halkaasi ka baxay nidaamkii iyo amnigii guud ee magaalada, taasina waxa ay horseedday in malleeshiyaadkii xilligaasi heeysay magaalada ay sideey doonaan ka yeeshaan, dadweeynaha lagu dhaco wadooyinkii lahaan jirey nidaamka iyo kala danbeeynta.

Taasina waa mid kamida heerarkii ay soo martay magaalada muqdisho’e maxaa iska badalay bilicda nidaamka iyo amniga magaalada muqdisho.

Mid kamida askarta ilaalada wadooyinka ayaa inooga warbixiyay isbadalka muuqda ee ku yimid magaalada muqdisho isaga oo xusay in uu aad u wanaagsan yahay xilligani amniga wadooyinka magaalada muqdisho.

Dhanka kale qaar kamid ah wadayaasha gaadiidka mooto bajaajka ayaa sheegay in uu dib usoo kabtay dhismaha wadooyinka magaalada muqdisho dhibaatooyin badanna ay haatan ku qabin maristooda.

Waxaa yaraaday dhaca mooto bajaajka oo wadayaasha ay la kulmi jireen xilliyada qaar Wadayaashan ayaana tilmaamay in uu aad usoo hagaagay amniga wadooyinka magaalada muqdisho iyaga oo xusay in illaa sagaal saac oo habeen nimo mararka qaar ay ku gaaraan shaqada wax dhibaato amni ahna aysan la kulmin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.