Home Afsomali Full VIDEO Cafis dalbada oo Qaadacaadda Doorashada ku dhisan Boobka, waa Badbaadada...

Full VIDEO Cafis dalbada oo Qaadacaadda Doorashada ku dhisan Boobka, waa Badbaadada Qaranka Soomaaliya !

Waxaa dhici karta in dad waxgarad  ah ku doodaan in go’aanka Midowga Musharrixiinta Xilka Madaxweynaha (MMXM) ku qaadaceen doorashada Barlamaanka federaalka (BF) uusan hakin karin doorashooyinka horey u dhacay iyo kuwa hadda ka socota DG Galmudug iyo Koofur Galbeed, iyo Muqdisho (Somaliland) oo RW Roble hogaaminayo ama in go’aanku abuurayo qalalaase siyaasadeed ee dib u dhac keenaya. Doodaas waxay iska indhatireysa baaxadda iyo heerka xaaladda ba’an ee midnimada, siyaasadda, nabadgelyada, iyo dhaqaalaha dalka maro iyo welwelka dhabta ah ee mustaqbalka laga qabo.

Waa dhab in hirgelinta hadafka go’aanka MMXM u baahan tahay taagerada bulshada Soomaaliyeed ee aaminsan in dhaxalka doorashada BF boobka iyo bahdilka saameeyay, dhibaatooyinka ka dhashay doorashooyinkii boobka iyo maquuninta ahaa ee dhacay 2017-2021, iyo rajo xumada laga qabo doorashada Madaxweynaha JFS soo socota ay horseed noqoto kala tagga bulshada Soomaaliyeed, iyo burburka dowladnimada Soomaaliya. Soomaali waa inay kala doorata gaboodfalka iyo hoggaan xumida Farmajo+Fahad iyo Dowladnimo heshiis lagu yahay oo rajo wanaagsan abuurta.

Waa xaqiiqo in qaadacaadda doorashada ay tahay tallaabo looga hortagayo burburka qaranka Soomaaliya waayo aragtida iyo dhaqanka saldhigga u ah boobka, musuqmaasuqa, iyo maamulxumada doorasho kasta ee dalka ka dhacday laga soo bilaabo 2017 waxay Soomaaliya u horseedayaan qalalaase siyaasadeed iyo colaad sokeeye iyo burbur dareen dowladnimo. Burburka Dowlad waxaa keena doorasho la’aan ama doorasho musuqmaasuqa ah oo ka mid ah ku takrifalka awoodda dowladda.

Waxaan ogsoonahay inay jiraan shakhsiyad fagaarayaasha uga dooda in doorashada dadban aysan xor iyo xalaal noqon karin, ayagoo xishood la’aan ku andacoonaya in Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullahi Farmajo uu doonayay doorashada hal qof iyo hal cad (HQHC), taaso aan qabo inay u badan tahay afminsharnimo iyo xilkasnimo xumo. In Farmajo marna ku fekerin doorasho HQHC oo xor iyo xalaal ah, waxaa caddeyn u ah:

*habkii juujuubka ah ee xil ka qaadista Prof Jawaari, Guddoomiyaha BF

*doorashooyinkii ka dhacay Koofur Galbeed, Galmudug, iyo Hirshabelle

*dhammeystir la’aanta dastuurka asaaska u noqon lahaa doorashada HQHC,

*fulin la’aanta dhammaan howlihii mudnaanta lahaa 2017-2021, iyo

*sharcigii marinhabaabinta ahaa ee BF laga ansixiyay

*muddo kororsigii xaaraanta ahaa dhinac walba.

Hadafka go’aanka MMXM ku qaadaceen doorashada ma ahan in la saxo 30-40-50% kuraas la boobay ee waa ka hortagga kama dambeysta ah  ee doorasho dadka iyo dalka lagu qaybinayo, lagu abuurayo colaad sokeeye, ummadda soomaaliyeed karaamada looga qaaday kaddib markii shaashadaha adduunka lagu soo bandhigay codbixiyayaal kartoomo madaxa ugu jiraan, kuwo u soo labistay sida tuugo bankiyo dhaceysa, musharrixin milsiin lagu sheegay, iyo doorasho ay hoggaaminayaan gaboodfayaal iyo eedeysanayaal si joogta u muujiyay ku takrifalka awoodda dawladda, ku tumashada dhaqanka dimoqradiga ah iyo heshiisyada siyaasadeed, u bareeray muddo kororsi xaaran ah, guddiyadii doorashada kala wareegay madaxbannaanida maamulka doorashada, xaqiray xuquuqda muwaadiniinta ka cabaneysa xaqdarrada doorashada, beesha caalamka soo jeedisay in cunaqabateyn la saaro kaddib markii ay abuureen fawdo guud iyo kalsooni darro dowladeed.

MMXM waxay soo taxeen xadgudubyada dhacay ee la xiriiray doorashada kuraasta lagu dhawaaqay, haseyeeshe waxaa xadgudubyadaas oo dhan ka culus in 100% Shacabka Soomaaliyeed arkayaan, qabaan in doorashada socota ay guud ahaan xaaran tahay, fadeexo tahay, karaamo darro ku tahay ummadda Soomaaliyeed, natiijada ka soo baxdana ay dhaleyso dagaal sokeeye iyo burbur dowladeed. Waxaa dhega laga fureystay codsiyada iyo talada mucaaradka, bulshada ra’yidka, iyo ra’yiga dadweynaha oo wax ku leh go’aammada doorashada ku dhisan nidaamka dimoqradiga ah. Waa dambi qarameed in doorasho noocaasi ah socoto, la aqbalo inay sii socoto, la oggolaado inay hagaan gaboodfalayaal iyo eedeysanayaal iyo ballan laawayaal. Doorasho hoggaanka dalka u kala qaybisay Farmajo+Fahad+Roble+Qorqor+Laftagareen  iyo SacidDeni+AxmedMadobe+MidowgaMusharrixinta+BulshadaRa’yidka iyo CaliGuudlaawe+BeeshaCaalamka waxay Soomaaliya u horseedeysa hoog iyo halaag.

Hadalka Madaxweyne Laftafagareen ku difaacayay doorashada musuqmaasuqa ah ee ka socota Koofur Galbeed wuxuu qayb ka yahay hab-dhaqanka nidaamka keligi talisnimada adduunka maanta looga doodayo oo ah “maanta shalay ayaa ka xumadeyd, dheg jalaq ha u siin kuwa ka qaylinaya dibedda iyo gudaha, ku celceli beentaada iyo ammaantaada, hana ka welwelin gaajada, maamulxumada, nabadgelyo xumida, hoos u dhaca dhaqaalaha dadka, karaama darrada dadkaada iyo dalkaada, jaahwareeri dadweynaha,  ha ka xishoon naasnuujinta qaraabada iyo dabadhilifyadaada, (yes men and women).

Xalka waa ka gudubka caqabadda halista ku ah dadka iyo dalka Soomaaliyeed, caqabaddaasoo ah Farmajo+Roble+FahadYaasin iyo dhismaha maamul hirgeliya doorasho dadka iyo dalka Soomaaliyeed lagu mideynayo. Beesha Caalamka oo mas’uul ka ah fashilka doorashada Soomaaliya waxaa la gudboon inaysan waqti iyo war murtiyeed ku lumin taagerada sii socoshada doorashada ay mas’uulka ka yihiin Farmajo+FahadYaasin+Roble oo ku eedeysan ku tumashada dhammaan mabaadi’ida dastuurka kmg, nidaamka dimoqradiga ah, iyo dhaqanka wanaagsan ee dowladnimo, arrimahaasoo sabab u ah boobka, musuqmaasuqa, iyo maamulxumada harereeyay doorashada karaamo darrada ah, kala qaybisay hoggaanka dowladda federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.