Home Afsomali Full VIDEO Ciidamad Kenya oo qafaashay in ka badan 100 ka mid...

Full VIDEO Ciidamad Kenya oo qafaashay in ka badan 100 ka mid ahaa milatariga Dowlada Soomaaliya waxaana jira dil iyo dhaawacyo kale

xili ay sii kordhayaan khilaafaadka siyaasadeed ee ka jira Gobolada gado iyo garbahaarey ayaa wararka aan ka heyleyno ay sheegayaan in xalay 4tii habeenimo ilaa waabarigii ay deegano u dhaxeeya buusaar iyo ceel waaq ka dhacayaa dagaalo iyo duqeymo diyaaradeed kuwaas oo saameyn xoogan ku yeeshay dadka iyo duunyada .

goobjoogayaal ku sugan sugan degaankaa ayaa somalisan u shegay in ay maqlayaan guuxa diyaradaha iyo dhawaqyada ka duwan ee madaafiicta goobta iyo risaasta ay isku ridayaan dhainacyada iska soo horjeeda .

dadka deeganka ay somalisan la xariirtay ayaa diiday in magacooda warbaahinta loo adeegsado sababa jira dartood

dagaalka iyo iska horimadka diyaraduhu qeybta ka yihiin ayaa ka socda deegaanada Mangiste. Ramaaliyaha iyo Jiirgaduudo  oo ka wada gobolka gado kuwaas oo u dhaxeeya buusaar iyo ceel waaq

waxaa kale oo jira ciidamo kenyaan ah oo ku jira aagaas kuwaas oo doonayo in ay dhanka Kenya aadaan balse ay ku cuslaatay ka bixitaanka aagaas

maalmihii la soo dhaafay waxaa sii kordhayey naceybka loo qabo cidamada Kenya oo qaarkood aan ka mid aheyn kuwa AMISOM balse siyaabo kale u jooga gudaha dalka

warku wuxuu intaa ku darayaa in sahayda ciidankaas diyarado lagu gaarsiiyo markii wadooyinka ay si nabad ah ku mari waayeen ayna la kulmeen jidgooyooyin iska cabin uu qasaare uu ka soo gaaray

dhulka howdka iyo buuraha ah ee wadada ku hareereysan ayaa ciidamada lagula eegtaa dagaalo ku dhufo oo ka dhaqaaq ah iyada oo ay sii yaraaneyso kalsoonida ay isku qabaan ciidamada milatariga dowlada soomaaliya iyo Askarta Kenya

ka dib markii dowlada Kenya lagu eedeedyey madaca ay ku dooneyso badda soomaaliya waxaana jira rabshado ka dhacay fahfaxdhuun oo la sheegay in askarta Kenya ay kula kaceen ciidamada Dowlada fadaraalka falal iskuugu jira dil dhaawac iyo qafaalasho askareyd waxaana ka dilay taliye lagu magacaabi jira gareed halka ku xigeenkiisiina la dhaawacay iyada oo wali la la.yahay ka ka badan 100 askari oo soomaaliyeed kuwaa oo ciidanka Kenya la aadeen danka dalkooda

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.