Home Afsomali Full VIDEO Deegaanka Deegaanka Rati weyne Xaguu ka tirsan yahay

Full VIDEO Deegaanka Deegaanka Rati weyne Xaguu ka tirsan yahay

Waxaa bilowday khilaaf dhanka Dhulka ah oo u dhaxeeyo maamulka Gobolka Banaadir iyo kan Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Hirshabelle.

Khilaafka ayaa bilowday kadib markii maamulka gobolka Shabeellaha Hoose uu sheegay in maamulka gobolka Bamaadir uu kusoo ballaartay gobolka Shabeellaha Dhexe.

Gudoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Mayre Makraan ayaa sheegay in dhul ku yaalla degmada Balcad meello hoos yimaada in la raaciyay gobolka Banaadir, taasina ay tahay tallaabo sharci darro ah.

Axmed Mayre Makraan ayaa xusay in dhulkaasi uu sharciyo u sameeyay maamulka gobolka Banaadir markii ay u geeyeen ganacsato.

“Cidna ka aqbali meyno in Dhulkii Gobolka Shabeellaha dhexe u boobo Gobolka Benaadir”ayuu yiri Gudoomiye Axmed.

Ugu dambeyntii waxaa uu sheegay in tilaabo sharciga waafaqsan ay ka qaadi doonaan ganacsatada dhulalka ee ku howlan in dhulka Shabeellaha Dhexe ay Sharciyo uga sameeyaan Banaadir.

Tan iyo markii ay ay Soomaaliya qaadatay nidaamka Federaalka waxaa soo baxay khilaaf dhanka dhulka ah oo u dhaxeeyo Gobolada Shabeelada Dhexe iyo Shabeelada Hoose iyo Gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.