Home Afsomali Full VIDEO Dhaga hadal kaftan iyo sarbeebta Reer Magaalnimo

Full VIDEO Dhaga hadal kaftan iyo sarbeebta Reer Magaalnimo

Xilwareejintii ugu dhaga hadalka iyo sarbeebta badneyd labada masuul waxba iskulama harin

Munaasibad ay xilka kulak ala wareegayeen taliyihii hore ee ciidamada Aslubta soomaliyeed bashiir maxamed jaamac iyo taliyaha cusub xusen Xasan Cismaan ayaa lagu qabtay dhismaha xabsiga dhexe ee Magaalada Muqdisho .

Waxaana ka soo qeybgalay Xildhibaano siyaasiyiin  waiisal wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Qadar) xeer ilaaliyaha guud ee qaranka wasiirka cadaalada Abuukaate Xasan Xuseen Xaajitaliyayaal ciidan saraakiil saraakiil xigeen hobolada kooxda onkod ee ciidanka asluubta iyo marti sharaf kale .

Taliyaha cusub iyo taliyihii hore ayaa ku soo wareegay qeybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay xabsiga dhexe waxaana ugu danbeyntii lagu soo qatimay hoolka shirarka oo ay qudbado ka soo jeediyeen .

Bashiir Maxamed Jaamac ayaa ka sheekeeyey waxqabadkiisii 23 kii bilood ee uu haayey talada ciidanka asluubta wuxuuna xusay in uu meel hoose ka soo bilaabay . uuna ku guuleystay arrimo ay ka mid yihiin dib u dhiska Xabsiga dhexe, kor u qaadista xuquuqda maxaabiista isagoo ka codsaday saraakiisha iyo ciidanka Asluubta in ay la shaqeeyaan Taliyaha cusub.

Bashiir Goobe “anigu waxaan ahaa janaraal waxaan ahaa aqoon yahay waxaan ahaa siyaasi galgal badan lehna saaxiibo wuxuuna ku daray ereyo kale isaga oo ku soo daray ahdalkisa in taliyaha cusub yahay janaraal kaliye taasi oo la ,macno ah in uu yahay nin laga aqoon badan yahay

Bashiir goobe ayaa madasha ka soo jeediyey tusaalooyin iyo hadalo sarbeeb u badnaa

Taliyahay cusub xusen xasan cusman ayaa ka daba hadlay wuxuuna sheegay in uu bashiir garab ka heystay madaxweynihii xilka ka qaaday wuxuuna ku dheeraaday ka hadalka wixii soo maray ciidanka

S/Gaaz Xuseen Xasan Cismaan Taliyaha cusub ee Ciidanka Asluubta ayaa ballan qaaday inuu dhameystiri diino mashaariicda lagu horumanayo Ciidanka Asluubta ee uu soo bilaabay Taliyihii hore.

Wasiirka Caddaaladda Dowladda Federaalka ah Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji oo ka xadlay xafladda xilwareejinta ayaa xusay in Wasaaradda iyo xukuumaddaba ay xoogga saari doonaan dhismaha maxkamadda dastuuriga iyo golaha adeegga Garsoorka oo labaduma laf dhabar u ah hay’adaha garsoorka dalka.

R/Wasarae ku xigeenka Xukuumada Federaalka ah Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Qadar) ayaa kula dardaarmay Taliyaha cusub inuu xoogga saaro horumarinta Ciidanka Asluubta.

Guntii iyo gabagabadii waxaa uu gudoomay taliyaha cusub calanka ciidanka iyo ducementiyo ciidanka iyo shaqada quseeyo.

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.