Home Afsomali Full VIDEO Dhaqanka Somaliyeed oo Eedeymo u jeediyey dowlada iyo baarlamanakii midka...

Full VIDEO Dhaqanka Somaliyeed oo Eedeymo u jeediyey dowlada iyo baarlamanakii midka cusubna ugu baaqay

 

Waxaa Magaalada Muqdisho Kulan ballaaran ku yeeshey Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed kuwaa oo isugu jirey Ugaasyo, Salaadiin Nabadoono, Malaaqyo iyo Waxgarad, waxaana Kulankaas looga Hadley marxalada uu dalku ku sugan yahay.

Kulankaas Odoyaashii ka Hadley wax ka mid ahaa Abuukar Cismaan Ganey, Muumin Cabdiraxmaan (Muumin Giriig), Ugaas Muxyadiin Xasan Axmed, Nabadoon Daa’uud Hudle Khayre, Nabadoon Maxamed Bin Cali Uunsane, Suldaan Shariif Cali Xasan, Nabadoon Cabdisalaan Axmed Tuur-yare, Ugaas Shiikh Xasan Yare Xasanow, Islaan Maxamed Aadan Muuse iyo Axmed Cali waxayna Dhamaatood Sheegeen in Xilgaan loo baahan yahay isbedel ka dhaca Dalka.

Waxaa halkaas laga akhriyey ugu dambeyn Bayaan ay soo saareen Odoyaasha waxaana ka mid ahaa  waxyaabahii ugu waaweynaa ee ku qornaa Bayaankaas inay aad uga xumaadeen sida  ay Madasha ugu Xadgudubtey Dastuurkii Dalka waxaana bayaanku u qornaa sidatan:-

JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA

Sunday 01. December.2017

UJEEDO: BAAQII 2AAD OO AY SOO SAAREEN ODAYAASHA DHAQANKA SOOMAALIYEED

OdayaashaDhaqankaSoomaaliyeedwaxayisuguyimaadeenkulankoodii 2aad oo ay ugatashanayeenwaxakusookordhaydalka.

  • SidaaadlawadasocotaanummaddaSoomaaliyeedwaxaykadhursugaysay in uuisbadaldalkakadhacoiyadoo la raacayodastuurkadalkahasayeesheewaxaasoo if baxayawaxaaloogumagacdaraymadashaQarankaooaanwaafaqsanayndastuurkadalkaoouushirgudoomiyomadaxwaynahawaqtigiisudhamaadaywaxaycaadikadhigteeninaysoosaaraango’aamoaanayfulinaynooaandastuurkawaafaqsanayniyagoogo’aamada ay soosaarayaankubadalaayaqodobo ay iyagukudanaysanayaankunacimridheersanayaanxukunka.
  • Sida ay ummaddaSoomaaliyeedlawadasocotowaxaymadashusoosaareentaariikhdumarkayahayd 24/12/2016 war murtiyeed ay kusheegeeninayaqalkasarekukordhiyeen 18 xubnood taasoo ka horimaanayso dastuurka dalka Qoddobkiisa 72.
  • Madaxwaynahawaqtigiisudhamaadaywuxuuhoraydigareetougusoo saaray uu ku cadeeyay inaan waxbalamgacaabi Karin lanadalacsiin Karin inta ay kadhismaysodowladcusubwaxaanamuuqanaysa in madaxweynahawaqtigiisudhamaadayuudalacsiiniyomagacaabisxilal kala duwaniyosoosaarisdigareetoaansharciyeysnaynuusoosaaromaalinwalbaisagooaan u maraynsharcigadalka u dagsan.
  • Sidaaadlawadasocotaanwaxaago’aamo soo saaraygudiga khilaafaadkaoo ay magacaabeenwaxalooguyeeromadashaqaranka , gudigunawaxaysoosaareen 24 xubnood oo boob,musuqmaasuqiyocagajuglaynkuyimid , go’aamadaas ay gudigusoosaareen ma aysanfulinmaadaamaaysanahaynguddikuyimidrabitaankashacabka Soomaaliyeed.
  • Gudiga khilaafaadka ayaa waxay mar kale soo saareen go’aamo iska horimaanaya sida ay caadada ka dhigteen waxay cadeeyeen in 24kii xubnood oo boobka ku yimid inay 11 xubnood laaleen yiraahdeena 13 xubnood waa laga heshiiyay waxaana xaqiiq ah inaanay jirin wax laga heshiiyay oo ku jira 24 xubnood oo gudiga khilaafaadku soo saareen.
  • ODAYAASHA BEELAHA SOOMAALIYEED WAXAY SOO DHAWEYNAYAAN ISLAMRKAANA TALO U SOO JEEDINAYAAN AQALKA SARE IYO GOLAHA SHACABKA:
  1. Waxaan soo dhaweynaynaa go’aanadii ka soo baxay Aqalka sare iyo golaha Shacabka oo ku aadanaa in wax madal la yiraahdo aysan jirin maanta oo ay taariikhdu tahay 27/12/2016.
  2. Waxaan kaloo soo dhaweynayaa go’aankii geesinimada lahaa oo ay ka qaateen aqalka sare iyo golaha shacabka oo ku aadanaa 18 xubnood oo ay ku dareen aqalka sare waxa loo gu yeero madasha qaranka  iyagoo u cuskaday qoddobka 72 ee dastuurka dalka in uusan ogalaaneyn wax ka badan 54 xubnood.
  3. Waxaan talo u soo jeedinaynaa Aqalka sare iyo Golaha shacabka in ay u hiilayaan isbedelka cusub ee dalka u baahan yahay madaama hoggaamiyaashii muddada 4-ta sano xika hayey ay dib u dhaca u keneen dalka islamarkaana kala direen golihi baarlamaanka hore, ummadda sooaalyeed ay ka niyad jabeen.
  4. Haddaba wax aka codsneynaa aqalka sare ioy golaha shacabka ee cusub in aysan dib u soo dooran hoggaamiyaashii hore ee 4-ta sano dalka hoggaamiayey.
  5. Waxaan kaloo talo ku soo jeedinayaa in aqalka sare iyo golaha shacabka ay dhowraan sharciga dalka u yaal.
  6. Waxaan kaloo talo ku soo jeedinayaa in aqalka sare iyo golaha shacabka ay ku shaqeeyaan rabitaanka shacabka soomaaliyeed .
  7. Waxaan kaloo talo u soo jeedinayaa aqalka sare iyo golaha shacabka in la tixgalyo islmarkaana wax laga qabto xaquuqdii ay lahayd gobolka Banaadir iyadoo loo maraayo wax uu ka qabo dastuurka dalka madaama dastuurka dalka qoraayo 18 gobol ee Soomaaliya.
  8. Waxaan ugu baaqeynaa aqalka sare iyo golaha shacabka inay u istaagaan gurmad lo sameeyo shacabka soomaliyeed ee ay abaaruhu ku habsadeen.
  9. Waxaan uu baaqeynaa ummadda soomaaliyeed in ay u gurmadaan abaaraha baahsan ee dalka ka jira gaar ahaan gobolada dalka.
  10. Ganacsatada soomaliyeed waa inay iyaguna u gurmadaan abaaraha dalka ka jira. 
  • WAXAAN BAAQ USOO JEEDINAYNAA ISLAMARKAAN SOO DHAWEYNAYNAA GO’AAMADII KA SOO BAXAY BEESHA CAALAMKA
  • Waxaan soo dhaweynayaa haddii aan nahay Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed go’aankii ay ka qaateen beesha caalamka kaasoo ay uga soo horjeedeen go’aanki ka soo baxay waxa loogu yeero madasha qaranka.
  • Beeshacaalamkuwaainaydhagaystaan tix galiyaanarabitaankaummaddaSoomaaliyeed.
  • Inay mar walba beesha caalamka ay dhexdhexaadkanoqdaanarrimahaSoomaaliya isla markaana ay taageeraan isbedelka dalka ka dhici doono .

WABILLAHI TOWFIIQ

Dhanka youtube ka linkiga hoose 

https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.