Maamulka gobolka Banaadir ayaa digniin culus ka soo saaray dhul boob sharci daro ah ka socda Suuqa Siinaay oo ka mid ah suuqyada caanka ah ee Muqdisho.
Qoraal ka soo baxay Ku-simaha guddoomiyaha gobolka Banaadir & Duqa Muqdisho ahna Gudoomiye kuxigeenka Maaliyada C/qaadir Maxamed Maxamuud ayaa looga digay shaqsiyaadka ku howlan boobka dhulka danta guud.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA KA SOO BAXAY MAAMULKA GOBOLKA BANAADIR
Gudoomiye Ku Xigeen Cabduqaadir Maxamed Maxamuud Caana boore waa sharci daro in xoolihii qaranka la Gudoomiye Ku Xigeen Cabduqaadir Maxamed Maxamuud Caana boore waa sharci daro in xoolihii qaranka lagu qaato Shaar dowladed shacabkana guryahooda lagu dhibaateeyo Gudoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyada ee gobolka banaadir cabdiqaadir maxamed maxamuud caano boore ayaa kormeer ku tagey suuqii hore ee siinaya oo ku yaala degmada wardhiigley taasi oo markii ay burburtay dawladii somaliya Ganacasatadiii suqaasi waxa ku iibin jirey ay hoy ka dhigteen ayaa la burburiyey ayagoon waxba ka ogeyn maamulka gobolka banaadir waxa aanu maamulka gobolku sheegay in wax ay ka qaban doonan cidii ka danbeysay hadaba waxa ugu horeyn goobta ka hadley qaar ka mid ah shacabkii deganaa guryaha cagafta la mariyey waxaa ayna xuseen in lagu kor iibsaday goobhii ay daganaayeen lana siiyey ganacsato kale Gabo gabdii waxa halkaasi gaaray Gudoomiye ku Xigeenka maamulka iyo maamliyada ee gobolka banaadir Cabduqaadir Maxamed Maxamuud Boombale : caana boore oo goobta kula hadlay warbixina ayaa ka dhageystay qoysaska ayaa tibaaxay in burburintaan uusan maamulka Gobolka banaadir waxba la ogeryn lagalana tashan isla markaana uu ka xun yahay maamulku ayna baari doonaa cidii ka danbeysay dhibaatada gaartay qoysaskaan Gudoomiye Caana boore ayaa digniin u diray dhamaan gudoomiyeyaasha dagmooyinka gobolka banaadir in ay iska ilaaliyaan dadka waraaqada been abuurka ah sameysanaya ama kuwa leh waa soo sharciyeyneynaa dhul dowladu leedahay qof si sharci daro ah uga kicin karo ma jirto dagmooyina oo dhan ayuu faray sidoo kale in wax dhul ah aan la isbedel lagu sameyn karin waa qalad qoys 40 sano guri ay daganayaan laga dumiyo wuxuuna yiri waa sharci daro in xoolihii qaranka lagu qaato Shaar dowladed shacabkana lagu dhibaateeyo dhawaan ayaa aheyd markii maamulka gobolka banaadir uu joojiyey dhaqdhaqaayada dhulalka wuxuuna amrkaasi ka soo fulay madaxweyne farmaajo oo la gaarsiiyey cabashooyin badan oo dhanka dhulalka ah