Doorashaadaan oo ka dhacay xarunta dugsiga tabbarka bolice ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo xaadirey musharaxiinta ergooyinka iyo gudiga doorashooyinka waxaana lagu doortay shan ka mid ah kuraasta golaha shacabka ee baarlaman 11-aad ee dalka.
Dugsiga tababarka Ciidanka Bolice ee Magaalada Muqdisho ayey ka dhacday doorashada Shan kamid ah kuraasta Golaha Shacabka oo degaan doorashadoodu tahay Gobolada Waqooyi ee Somaliland, iyada oo ay ku tartameen musharrixiin dhowr ah.
Goobta doorashada ayaa waxaa ku sugnaa Guddiga Maamulaya doorashooyinka Gobolada Waqooyi & xubno kamid ah guddiga doorashooyinka heer Federaal & mas’uuliyiin kale oo ka socda dowladda Soomaaliya, iyada oo ay codeynayaan 101 Ergo oo la soo xulay.
Kuraasta la doortay ayaa golaha shacabka ku meteli doona gobollada waqooyi ee Somaliland.
waxayna ku soo dhamaatay si nabad ah.
Xildhibaanada la doortay ayaa kala ah:
1 –Xildhibaan Maxamed Cabdi Maareeye
2 –Xildhibaan Aamino Cumar Jaamac
3 –Xildhibaan Faadumo Xasan Cali
4 – Xildhibaan Maxamed Haaruun Cabdullahi
5 – Xildhibaan Axmed Cusmaan Diiriye
Xildhibaanada la doortay qaarkood ayaa ka mahadceliyey waxay dareenkooda ku cabiray sidaan
Halka musharaxiinta doorashada qaadacayna ay ka fal eliyeen
Afhayeenka gudiga doorashooyinka ayaa faahfaahin ka bixiyey qaabka ay doorashadu u dhacday
Horay waxaa Muqdisho loogu doortay laba ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka ka soo gala gobollada waqooyi, waxayna tirada guud ee xildhibaanada dooran ee Somaliland noqaneysaa todoba xubnood.
https://youtu.be/9TYsAzn3QJs