Home Afsomali Full VIDEO Dowlada dhexe oo ku sii dardar galisay ka hortaga Fatahaada...

Full VIDEO Dowlada dhexe oo ku sii dardar galisay ka hortaga Fatahaada Baladweyne Hal Malyan boqol iyo Afartan iyo Labo Dollar

1-Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane  Maxamed Cabdi  Waare ayaa shaaca ka qaaday mar dhow in Dowladda Dhexe soo gaarsiiyay  $1142000(Hal Malyan boqol iyo Afartan iyo Labo Dollar) oo dowr ka qaadan doonta ka hortaga Fatahaadda Bweyne.

2- Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya #Mudane_Eng_Cabdi_Canshuur_Xasan ayaa u diray B/weyne  maanta  6 diyaarad oo siday agab looga hortago Fatahaadda #B_weyne

3-Injineeradda dowladda dhexe u dirtay Bweyne ayaa maanta bilaabay Biyo Xireen (Carro tuurkii) 4 aad,   iyagoo kaashanaya Guddiga Fatahaadda Bweyne, iyadoo la xaqiijiyay in Fataahaaddu ama Biyo_Baxadu aysoo jibisay  Biyo Xireenkii kowaad, oo ay soo gaareen Biyo_Xireenkii labaad.

Dadaalka Dowladda Dhexe ee Hantida, Agabka  iyo Khibrada isugu jira, dadaalka Shacabka oo #ugaas_Xasan_Ugaas_Khaliif hormuudka u yahay Dadaalka Gudigga Fatahaadda, dadaalka  Howl wadeenada Gobolka Hiiraan oo #Gudoomiye_Cali_Jeyte ugu horeeyo, Dadaalka  Dowlad Goboleedka Hirshabeelle dhamaan waa wax ku ool  oo is dhamesytiraya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.