Home Afsomali Full VIDEO Dowlada Somaliya oo ka mid Noqotay dalalka caalamka ee Somaliland...

Full VIDEO Dowlada Somaliya oo ka mid Noqotay dalalka caalamka ee Somaliland hambalyada doorashooyinka isku sidkan

https://youtu.be/8FpUKAE9wdQ

Dowlada Somaliya oo ka mdi Noqotay dalka caalmka ee Somaliland hambalyada doorashooyinka isku sidka u diray

Raiisal wasaare ku xigeenka dalka Mahadi Maxamed Guuleyd Qadar ayaa hambalyo u dirayaa Shacabka Somaliland ee, u dareeraya doorashada baarlamaanka iyo goleyaasha deegaanka.

Wuxuuna xusay in ay tahay  tusaale dimoqraadiyad iyo ilbaxnimo oo bogaadin iyo ku dayasho mudan.

Waxaan u rajeynayaa doorasho nabdoon iyo isu dulqaadasho.

Raiisal wasaare ku xigeen Mahdi Maxamed Guuleyd Qadar  ma sheegin in uu  hambalayada Somaliland ugu diray magaca dowlada inksta  oo uu ka tirsan yahay

Waxaan ugu baaqayaa walaalheena Somalia in ay somaliland casharka  doorashooyinka ka bartaan.

Ugu horeyn Mahdi Guuleed oo dhambaal hambalyo ah u diray shacabka iyo dowladda Somaliland, isla markaana ku amaanay biseylka dimuquraadiyadeed oo ay muujinayaan ayaa shacabka Soomaaliyeed ee Koonfurta kula taliyey inay cashar ka bartaan doorashooyinka Samaliland.

“Waxaa rabaa in aan u hambalyeeyo maalinta doorashada 31-ka May shacabweynaha Somaliland, sida dul qaadka, ilbaxnimada iyo waaya aragnimadu ku jirto oo ay ugu dareereen, ugu ololeynayeen in doorasho xor iyo xalaal ah oo tartan furan uu ku jiro ay ka wada qeyb qaataan,” ayuu yiri Mahdi Guuleed.

Qiyaastii in ka badan hal Milyan oo qof ayaa berri u dareeraya goobaha cod bixinta, si ay u soo doortaan 246 Xildhibaan oo noqonaya golaha cusub ee wakiilada Somaliland, kuwaas oo u kala sharaxan seddaxda xisbi ee ka dhisan Somaliland iyo 521 xildhibaan oo noqonaya xubnaha golayaasha deegaanka Somaliland, waxaana ku loolami doona ilaa 767 musharax.

22-degmo oo ka tirsan deegaanada Somaliland ayaa la dhigay sanaadiiqda cod bixinta, iyadoo seddax kun oo goobood loo qorsheeyey inay ka dhacdo cod bixintu.

“Waxaan leeyahay nabad ku codeeya isku dul qaata, doorashadu waxay wax u tartaa dareenka dadka, waxayna ku hoggaamisaa in qofku fikirkiisa uu six or ah u dhiibto, isla markaana uu doorto mas’uulka uu is leeyahay waa istaahilaa inuu ku metelo,” ayuu yiri.

Ugu danbeentii Ra’isul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Guuleed ayaa bulsha weynta Soomaaliyeed kula dardaarmay in ay cashar ka bartaan bulshada Somaliland, isla markaana doorashada sanadka 2025-ka ay si xor ah u soo doortaan xildhibaanka ay doonayaan.

“Walaalaha koonfuteed waxaan ugu baaqayaa inay cashar ka bartaan sida xorta ah, oo xalaasha ah, oo qofka muwaadinka ah uu codkiisa u dhiibankarayo, doorashada 2025-ka ee soo wajahan waxaan rajeynayaa muwaadiniinta Soomaaliyeed inay xaq u yeeshaan in xildhibaanka ay doonaan doortaan, oo madaxdooda doortaan, si taladana shacabweynaha Soomaaliyeed dib loogu celiyo,” ayuu yiri Mahad Guuleed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.