Home Afsomali Full VIDEO Faahfaahinta Qarax Muqdisho ka dhacay

Full VIDEO Faahfaahinta Qarax Muqdisho ka dhacay

ku dhawaad 30 Ruux oo isugu jira, askar iyo dad Shacab ah ayaa Noqday dhimasho iyo dhaawacyo kala duwan ka dib gaari laga soo buuxiyey walxaha qarx oo dhaxglay Gaadiid uu lasocday Taliyaha qeybaha guud ee Booliska Gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Qaroole.

Xilli ay marayeen kolonyada uu la socday Taliyaha qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir wadada ka leexata Isgoyska Banaadir ee Aada Isbitaalka Madiina

Ayaa lagu dhuftay gaariga qaraxyada sida Gaariga uu saarnaa Taliye Farxaan Qaroole,.oo ahaa kuwa xabada karin.
Dadka qaraxa ku dhintay & kuwa ku dhaawacmay ayaa isugu jira qaar kamid ah ilaalada Taliyaha, dad wadada marayay oo qaarkood watay Mootooyin Bajaaj iyo dad Goobo Ganacsi ku leh hareeraha wadada waana kuwaan iyaga oo faahfaahiyey sida ay wax u dhaceen
Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada qaraxa lagu weeraray Taliyaha qeybaha guud ee Booliska Gobolka Banaadir,

https://youtu.be/ErVslUtHAg4

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.