Home Afsomali Full VIDEO G/sare, Cabdulqaadir Jaamac Dirir waxaan xirxirnay taxi layaal

Full VIDEO G/sare, Cabdulqaadir Jaamac Dirir waxaan xirxirnay taxi layaal

 

https://youtu.be/YdJ8KwH9L4U

Ciidamo ka tirsan Booliska Dowlad Goboleedka Puntland ayaa Maanta waxaa ay Magaalada Boosaaso ku xir xireen Qaar kamid ah wadayaasha takaasida, kadib markii lagu eedeeyay in ay warar abeen-abuur ah faafinayeen, si looga barakaco magaalada.

Darawalada la xiray ayaa gaaraya ilaa Saddex, kuwaas oo lagu eedeeyay inay hormuud u ahaayeen khalqal gelinta dhanka Amniga ee Bulshada Magaalada Boosaaso si ay dadka u barakacaan kadibna lacag uga sameeyaan.

Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Bari G/sare, Cabdulqaadir Jaamac Dirir oo Shir jaraa’id Warbaahinya ugu qabtay Boosaaso ayaa u digay dad uu sheegay inay ku howlan yihiin wararka been-abuurka ah ee lagu qalqal gelinayo Amniga Boosaaso laguna barakicinayo Shacabka.

Wuxuu sicad u sheegay in qaar ka.id ah dadka taksiilayaasha ah ay dadka barakicinayaan si ay lacag u helaan, wuxuuna ugu baaqay inay arrintaasi ka waantoobaan, isaga oo Ciidamada Amniga faray inay xaqiijiyaan dhamaan Amniga Mahaalada Boosaaso.

Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa Bishii december ee sanadkii la soo dhaafay ee 2022 waxaa ka dhacay dagaal u dhaxeeyay kuwa Maamulka Puntland iyo kuwa Hay’adda PSF, kaas oo saameyntii uu reebay weli ka taagan tahay Boosaaso

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.