Home Afsomali Full VIDEO Gacmo furan ku soo dhawoow ila Damoo Duqa Cusub ...

Full VIDEO Gacmo furan ku soo dhawoow ila Damoo Duqa Cusub in aan dadka deegaanku diidaneyn

Magaalada Muqdisho oo lagu qabtay  Xaflad Iskugu Jirta Taageero iyo soo Dhaweeyn   Loo Sameeynaayo Gudoomiyaha cusub Ee Gobolka Banaadir Thaabid Cabdi Maxamed Xeyd.

Munaasibada taageerada iyo soo dhaweynta ah ayaa waxaa ka soo qeybgalay sidoo kale fanaaniin abwaano iyo kooxda barbaarta gaashaaman iyada oo lagu soo bandhigay ciyaraha hidaha iyo dhaqanka .

Waxaana heeso qiimo badan u leh gobolka banaadir ka qaaday yurub geynyo Shugri Shuumey iyo hobolo kale oo fanka ku soo gaamuray

Gudoomiye taabid ayaa laga soo galbiyey xarunta maamulka Gobolka banaadir waaana ka qeyb ahaa dhalinyaro ku labisan Funaanado lagu xardhay sawirka Gudoomiye taabid kuwa oo kooxo kooxo ahaa mootooyin iyo fardo u carbisan soo dhaweynta Madaxda dalka fadhigooduna yahay dagmada dayniile .

Madaxdii goobta kulanka ka hadashay ayaa waxaa ka mid ahaa siyaasiyiin can ah sida cali maxamed Geedi .shaikh aadan madoobe xaad axmed diiriye iimaamka beelaha mudulood Wasiiro RW Xasan Cali ugu danbeyntiina waxaa munaasibada soo gunaanaday gudoomiye taabid Cabdi Muxaed

Xaflada ayaa gudoomiye Thaabid si weyn loogu muujiyey  Taageerada ay uhayaan waxaana kasoo qeyb galay masuuliyiin ka tirsan dowlada soomaaliya iyo Shacab aad u tira badan kuwaasi oo ka kala Yimid Degmooyinka Gobolka Banaadir Waxeeyna aad Ugu Rajo weyn Yihiin Gudoomiye Thaabid.

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.