Home Afsomali Full VIDEO Gan Cali Maxamed Bogmadow diyaaradii aan la socdayn in aan...

Full VIDEO Gan Cali Maxamed Bogmadow diyaaradii aan la socdayn in aan ka dago waa la ii diiday

Ujeedada laga leeyahay isbedelka hoggaanka cusub ee qeybta 43 Aad ee  ciidanka Xoogga dalka  ayaa ah in lagu dardar galiyo  sidii Kooxaha Argagaxisa looga xoreyn lahaa Guud ahaan Dalka islamarkaan lagu tayeyn lahaan Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliyeed .

 

Taliyaha Cusub ee Qeybta 43 Aad ee ciidanka Xoogga dalka ayaa socdaal kormeer ku tagay Degmada garbahaareey ee Gobolka Gedo hakaasi uu kula hadlay Cutubyo ka tirsan guutooyinka 10 Aad iyo ururka 50 Aad ee ciidanka Xooga dalka kuwaas oo heegan ugu jira sida ay maleeshiyada Al. shabaab ay uga sifeylahaayeen Gobolka Gedo iyagoo si dhuumaaleysi ku yimaada mararka qaar deegaanadaasi

Taliyaha Guutada 10 Aad ee ciidanka Xoogaa dalka Janaraal Maxamed  Cali Cadoow  oo warbixin kooban ka siiyay taliyaha ciidamada waxaana uu sheegay in la dagaalanka kooxda Argagaxisada Alshabaab  ay heegan ugu jiraan.

“ciidmadan waa guutada 10 Aad iyo Ururka 50 Aad ee ciidanka Xooga Dalka  waxay ay u taagan yihiin ilaalinta Dadka iyo Dalka astaantooduna waa Qaranka Soomaaliyeed  daruuf walbo iyago ku shaqeynaayo ayay diyaar u yihiin la dagaalanka Kooxda Xagjiriinta Al-shabaab”. Ayuu yiri Janaraal Caddow.

Sareeye Guuta Cali Maxamed Maxamuud Bogmadoow ayaa  tagay furmaha ciidanka heeganka ku jiray islamarkaan xogwareysanayay xaaladaha ay ku suganyihin iyo baahiyaha ay qabeen sidoo kale waxa uu xusay in Dowlada Soomaaliya ay ka go,antahay  ogaashaha iyo daryeelida Ciidanka qaranka waxaana uu kula dar daarmay in ay ku shaqeyaan Soomaalinada taana looga Bixi karo ka adkaanshada Kooxaha Caadeystay daadinta dhiiga umma Soomaaliyeed.

“Waxaan idinkula dar daarmayaa in aad ka fogaataan qabyaalada islamarakaan aad u diyar garoowdaan si feynta cadowga Soomaaliyeed oo ku dhuumaaleysanaya meelaha ay kaga Sugan yihiin Gobolada Jubooyinka iyo Gedo”.

Dolwadda Soomaaliya ayaa ku Howlan sidii loo dhisi dhamaan ciidamada Qalabka Sida Ee Soomaaliyeed si ay ula wareegaan Marka ay ka baxaan Dalka ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Africa ee Amisson uu dhamaada Ruqsada ay ku Joogaan Gudaha Dalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.