Home Afsomali Full VIDEO Gudigii iyo saraakiishii uu Rooble Magacaabay oo fagaare ah kula...

Full VIDEO Gudigii iyo saraakiishii uu Rooble Magacaabay oo fagaare ah kula hadkay ciidamadii Muqdisho ka

Gudigii iyo saraakiishii uu Rooble Magacaabay oo goob fagaare ah kula hadkay ciidamadii dhufeysyada Muqdisho ka sameystay

Ciidamada diidanaa muddo kororsiga ee dhufeysyada ka qotay xaafado ka tiran magaalada Muqdisho ayaa dib ugu noqday xeryahoodii, iyo degaanadii kale ee ay ka yimaadeen.

Boqolaal ka tirsan ciidamadan oo u badan kuwa xoogga dalka oo wata gaadiid dagaal iyo kuwa daabula ciidanka ayaa saaka buux dhaafiyey qaar ka mid ah jidadka Muqdisho.

Waddooyinkii magaalada ayaa laga qaaday dhufeysyadii ciida ahaa, waxaana saaka la dhameystirayaa howshaas sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada dowlada ee la baxay badbaado Qaran.

Ra’iiul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa shalay kormeeray howsha lagu furayay jidadka ku xirmay qalalaasihii dhawaan ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxayna arrintan qeyb ka tahay heshiis ay gaareen DF iyo mucaaradka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.