Home Afsomali Full VIDEO Gudoomiye Ku Xigeenka maamulka iyo maaliyada ee gobolka banaadir Cabduqaadir...

Full VIDEO Gudoomiye Ku Xigeenka maamulka iyo maaliyada ee gobolka banaadir Cabduqaadir Maxamed Maxamuud Caana boore oo u hiiliiyey markiii ugu horeysay Shacab si sharci dro ah guryahoodii looga burburiyey

Gudoomiye Ku Xigeenka maamulka iyo maaliyada ee gobolka banaadir Cabduqaadir Maxamed Maxamuud Caana boore waa sharci daro in xoolihii qaranka lagu  qaato Shaar dowladed  shacabkana  guryahooda lagu dhibaateeyo

Gudoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyada ee gobolka banaadir cabdiqaadir maxamed maxamuud caano boore ayaa kormeer ku tagey suuqii hore ee siinaya oo ku yaala degmada wardhiigley taasi oo markii ay burburtay dawladii somaliya Ganacasatadiii  suqaasi  waxa ku iibin jirey ay hoy  ka dhigteen  ayaa la burburiyey ayagoon waxba ka ogeyn maamulka gobolka banaadir waxa aanu maamulka gobolku sheegay in wax ay ka qaban doonan cidii ka danbeysay

hadaba waxa  ugu horeyn goobta ka hadley qaar ka mid ah shacabkii deganaa  guryaha cagafta la mariyey  waxaa ayna xuseen in lagu kor iibsaday goobhii ay daganaayeen lana siiyey ganacsato kale

Gabo gabdii waxa halkaasi gaaray  Gudoomiye ku Xigeenka maamulka iyo maamliyada ee gobolka banaadir Cabduqaadir Maxamed Maxamuud Boombale  : caana boore oo goobta kula hadlay warbixina ayaa ka dhageystay qoysaska ayaa tibaaxay in burburintaan uusan maamulka Gobolka banaadir waxba la ogeryn lagalana  tashan isla markaana uu ka xun yahay maamulku ayna baari doonaa cidii ka danbeysay dhibaatada gaartay qoysaskaan

Gudoomiye Caana boore ayaa digniin u diray dhamaan gudoomiyeyaasha dagmooyinka gobolka banaadir in ay iska ilaaliyaan dadka waraaqada been abuurka ah sameysanaya ama kuwa leh waa soo sharciyeyneynaa

dhul dowladu leedahay qof si sharci daro ah uga kicin  karo ma jirto dagmooyina oo dhan ayuu faray sidoo kale in wax dhul ah aan la isbedel lagu sameyn karin

waa qalad qoys 40 sano guri ay daganayaan laga dumiyo

wuxuuna yiri waa sharci daro in xoolihii qaranka lagu  qaato Shaar dowladed  shacabkana  lagu dhibaateeyo

dhawaan ayaa aheyd markii maamulka gobolka banaadir uu joojiyey dhaqdhaqaayada dhulalka wuxuuna amrkaasi ka soo fulay madaxweyne farmaajo oo la gaarsiiyey cabashooyin badan oo dhanka dhulalka ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.