Home Afsomali Full VIDEO gudoomiye Muuse Geelle ; kuraas uu ku jiro kii fahad...

Full VIDEO gudoomiye Muuse Geelle ; kuraas uu ku jiro kii fahad yaasiin ku guuleystay waa ¹ la kansalay

 

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka ee FEIT oo sheegay in la hakiyay kuuraas uu kamid yahay Hop#086

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal Muuse Geelle Yuusuf ayaa sheegay in howlaha doorashooyinka Golaha Shacabka intooda badan ay qabsoomeen, sidoo kalena inta hadda ka harsan ay si xowli ah ku socdaan dhawaana ay soo dhamaan doonaan.

Guddoomiyaha oo Warbaahinta kula hadlay Muqdisho wuxuu sheegay in ilaa iyo hadda lagu guuleystay in la dhameyatiro doorashada labada Aqal ee Gobolada waqooyi iyo degaan doorashada labaad ee Baraawe, wuxuuna ku sheegay in ilaa iyo 165 Xildhibaan la doortay 110 kalena ay harsan yihiin.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday kuraas la doortay oo ku dhawaaqista natiijadooda la hakiyay, wuxuuna sheegay in, iyaga oo ilaalinaya habraaca doorashada ay horay u joojiyeen doorashada kuraasta Saddex kursi oo kala ah , HOP154 oo loo doortay Sareedo Maxamed Cabdalla, HOP103 oo ah kursigii uu ku fadhiyay Maxamed Cismaan Jawaari iyo HOP086 oo ahaa kursigii uu shalay ku soo baxay Fahad Yaasiin

Wuxuu hadalkiisa uu intaasi ku daray guddoomiyaha in Saddexdaasi kursi habraacii loo maray uu qalmaday, sidaas daraadeedna inta laga saxayo ay sidaasi ahaan doonaan, isaga oo raja ka muujiyay in degaannada weli soorashooyinka ku harsan yihiin in si deg deg ah looga dhameystiro.

Previous articleEthiopia to start generating power from Nile dam Sunday
Next articleMadaxweynaha  ruushka Putin oo ammar siiyay ciidamadaiisa ee ku sugan xadka Ukrine

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.