https://youtu.be/Xtvn8_ms9So
Ra’iisul wasaare ku xigeen Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ka qeyb galay shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka gobolada waqooyi (Somaliland) oo lagu soo gabagabeeyay Muqdisho ayaa ujeedkiisu ahaa taageerada guddiyada doorashada ay xukuumaddu magacowday
Shirkan oo ay soo qaban qaabiyeen qeybaha kala duwan ee bulshada gobolada waqooyi ee ku dhaqan Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay Xildhibaanada labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya, Wasiiro, Salaadiin, Siyaasiyiin, Musharaxiin, Haween iyo Dhalinyaro, dhammaantoodna si wadajir ah ayay u cadeeyeen mowqifkooda Doorashooyinka Soomaaliya iyo sida ay u taageersan yihiin guddiyada doorashada.
Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa carabka ku adkeeyay in ay dalka uu aadaayo doorasho xiligeeda ku dhacda laguna kala nabad galo.
“Waxaanu diyaar u nahay doorasho, waxaan diyaar u nahay in doorasho loo dareero oo aan is doorano, laguna kala nabad galo. Muran kasta oo yimaada wuxuu dib u dhigayaa doorashada, Taa macnaheedu ma waxa ay tahay doorasho diyaar uma ahiye dib ha la iigu dhigo, Doorashada wakhtigeeda ayaan ku qabaneynaa, Hadii ay tabasho jirto diyaar baa loo yahay in lagu dhageysto”
Dhinaca kale shirka ayaa waxaa qeyb ka ahaa xubno ka tirsan golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya sida Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Warfaafinta, Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga iyo Xildhibaanada labada aqal ee Dowladda ku matala Gobolada Waqooyi.
Dhammaan xubnihii ka qeyb galay shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka gobolada waqooyi (Somaliland) ayaa isku raacay in dalka uu doorasho aadayo iyaguna ay si buuxda u taageersan yihiin guddiyadii dooorashooyinka ay xukuumadu magacowday.
Xildhibaan Caasho Koos oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka federaalka ah ee Soomaalliya ee ka soo jeeda gobollada Waqooyi ayaa shaaca ka qaaday in tirada ugu badan xildhibaanada ka soo jeeda Somaliland ay taageersan yihiin guddiyada doorashada dalka.
Caasho Koos ayaa sheegtay in illaa 47 xubnood oo ka mid ah 57-da xildhibaan ee gobollada Woqooyi ee kumetala labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ay taageersan yihiin guddiyada la magacaabay ee doorashooyinka dalka.
Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay inay ku qanacsan yihiin hannaanka ay dowladda federaalka u wajaheyso arrimaha doorashada ee 2020 illaa 2021-ka.
https://youtu.be/4y26P8gdX7s
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Dubbe oo ka qeyb-galay kulan ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa markale weerar culus oo Afka ah ku qaaday musharaxiinta madaxweyne ee maalmihii u dambeeyay ku shirsanaa magaalada Muqdisho.
Wasiir Dubbe ayaa sheegay in shirarka musharaxiinta madaxweynaha ee mucaaridka ay yihiin kuwo waxba soo kordhineyn, isagoona guddigii ay shalay magacaabeen ku tilmaamay wax uu ugu yeeray, xarako iyo ciyaar ciyaar.”
“Nin weyn oo darajooyinkii dalka ugu sarreeyay soo qabtay oo leh anoo suuqa jooga ayaan guddi magaacabayaa miyaanay ahayn xarako iyo layaab,” ayuu yiri Wasiir Dubbe
Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa shalay magacabay guddi ka kooban 28 xubnood, oo loogu magac daray Guddiga Badbaadinta Doorashooyinka Dalka, kaasi oo looga dhawaaqay shir ay musharaxiinta ku yeesheen magaalada Muqdisho.
Dubbe ayaa ka hor-yimid guddigaas, isagoona sheegay ‘inay wax lala yaabo tahay mucaarid dibada jooga ay ku dhawaaqan guddi doorasho’, xili uu khilaaf xoogan ka taagan yahay laguna muransan yahay guddigii uu hore ugu dhawaaqay ra’iisal wasaare Rooble.
Waxa kale oo uu si adag uga digay in musharaxiinta kasoo horjeeda dowladda ay dalka ka abuuraan fowdo, iyada oo aan heshiis loo dhameyn laga gaarin arrimaha doorashooyinka iyo guddiga doorashada ee lagu muransan yahay.
Hadalkan ayaa imanaya xili uu sii xoogeystay khilaafka ka taagan Guddiga doorashada ee lagu muransan yahay, kaasi oo shalay doortay guddoomiye iyo ku xigeenkiisa, Maxamed Xasan Maxamed ayaa loo doortay Guddoomiye, halka Mowliid Mataan loo doortay guddoomiye ku-xigeen.
Wuxuuna kusoo aadaya xili Musharaxiinta Mucaaradka ay walaac xoogan ka qabaan waxyaabo badan oo dalka ka jira oo ay ugu horreeyan qal-qalka siyaasadeed ee ka jira maamul goboleedyada qaar sida HirShabelle oo ay xaalad xumi ka taagan tahay iyo sidoo kale Jubbaland oo arrimo badani ka jiraan.