Home Afsomali Full VIDEO Hirshabe State oo sheybaar Caalami ah lagu wareejiyey

Full VIDEO Hirshabe State oo sheybaar Caalami ah lagu wareejiyey

https://youtu.be/qlKm0UBOjGY

Mas’uuliyiin ka socota xukuumadda oo ay hoggaaminayen howl-wadeenno ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa maanta qalab caafimaad iyo dawooyin gaarsiiyay dowlad gobaleedka Hirshabeelle si ay awood ugu yeelato la tacaalidda xanuunka COVID-19.

Qalabka caafimaad ee Hirshabeelle lagu wareejiyay waxaa kamid ah qalabka Sheybaarka iyo dharka ay xirtaan howl-wadennada ka howl gala xarumaha lagu daweeyo bukaannada uu soo rito COVID-19
Qalabka Shaybaarka ee maanta lagu wareejiyay Hirshabeelle ayaa awood u siinaya inay dadka ka baaraan COVID-19.

Dowlad gobaleedka Hirshabeelle ayaa ka mahad celisay dawada iyo qalabka caafimaad ee dowladda federaalku ku wareejiyay.

Howl-wadeennada farsamo ee Jowhar geeyay taageerada xukuumaddu ku xoojineysay awoodda Hirshabeelle ee xakameynta Feyruska Karoona ayaa sidoo kale socdaalkoodu salka ku hayay inay Qiimeyn ku sameeyaan xaaladda guud iyo xarumaha loo qorsheeyay in dadka lagula tacaalo, si loo ogaado baahida jirta, looguna qorsheeyo taageerada dheeraadka ah ee ay u baahanyihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.