Cabdiraxman Daahir Cismaan oo ah Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo wareysi siinayay Somali Cable TV ayaa sheegay Wasaaradda Waxbarashada in aysan aqoonsaneyn Jaamacadaha ku yaalla dalka.
Wuxuu sheegay Wasiir C/raxmaan in Jaamacadaha dalka ku yaalla keliya ay siiyeen aqoonsi ay ku shaqeeyaan, balse uusan jirin aqoonsi rasmi ah oo jaamacad ahaan ugu aqoonsan yihiin.
“Anaga ma jirto Jaamacad aan aqoonsanahay oo Jaamacad ahaan u aqoonsanahay ma jirto oo aan dhihi karno Jaamacadani waan aqoonsahay oo tayada waxa ay bixinayso, sababtoo ah koow waan qiyaaseynaa jaamacado badan oo dalka ku yaal inay soo buuxinayaan heerarka caalamiga ah.” Ayuu yiri Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya.
Wasiirka ayaa wuxuu tilmaamay in xittaa Wasaaradiisa aysan aqoonsaneyn Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed oo ah Jaamacad dowladda Soomaaliya hoostagta.
Dalka waxaa ku yalla Jaamacado ka badan 50 kuwaasi oo qaarkood bixiya Kuliyado u gaar ah, inta badan waxaa lagu eedeeyaa tayada waxbarashadooda in aysan gaarsisaneyn heerkii loogu tala galay.