Home Afsomali Full VIDEO Khader Guuleyd Dalku Wuxuu diyaar u yahay in ay ka...

Full VIDEO Khader Guuleyd Dalku Wuxuu diyaar u yahay in ay ka dhacdo doorasho Qof iyo Codkii ah

https://youtu.be/zWRx76WaSoo

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS Mudane Mahdi Maxmed Guuleed (Khadar) ayaa maanta si rasmi ah u daah furay shirka caalamiga ah ee madasha wada-tashiga Soomaaliya  (SPF) oo socon doona muddo laba maalin ah.

Shirka caalamiga ah ee madasha wada-tashiga Soomaaliya, oo horay uga dhici jiray waddamada Yurub ayaa waxaa kasoo qayb galay mas’uuliyiin ka socota caalamka iyo dowladaha saaxiibbada la ah.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka ayaa furitaanka shirka ka sheegay in dowladdu ay horumar ka gaartay dhinacyada dib-u-habeynta amniga, dhaqaalaha, howl-gallada cadawga lagu baacsanayo argagaxisada.

Xiritaanka shirka caalamiga ah ee madasha wada-tashiga Soomaaliya  ayaa laga soo saarayaa war-murtiyeed looga hadlayo natiijada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.