Home Afsomali Full VIDEO Khayre Masiibada waxaa ka nabad galaya

Full VIDEO Khayre Masiibada waxaa ka nabad galaya

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, oo caawa ka hadlay dhibaatada uu COVID-19 ku hayo dalkeena iyo sida looga badbaadi karo ayaa dadka Soomaaliyeed kula dardaarmay inay qaataan talooyinka caafimaad ee dhaqaatiirta iyo wasaaradda caafimaadka dalka.

“Masiibada maanta waxaa ka nabad galaya kuwa qaata waanada iyo wax sheega, kuwa dhagaysta talooyinka bahda Caafimaadka. Kuwaas ayaa ah kuwa inay haligmaan ka nabad galay. Badqabka bulshada iyo Badbaadintooduba maanta waxay ku jirtaa kala maqnaanta mudada cudurku jiro. Inaad eheladaada iyo asxaabtaada ka maqnaato oo booqan waydo xiligan adag waxay daliil cad u tahay damiirka qofka ee aan dadkiisa dhib la jeclayn”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Ra’iisul Wasaaaraha ayaa caddeeyay in Guddiga Qaran ee ka Hortagga Covid-19 ee isugu jira xukuumadda, culimada, dhaqaatiirta, Ganacsatada iyo Bulshada Rayidka kawada shaqayaan sidii loogu gurman lahaa dadka Soomaaliyeed caafimaad ahaan iyo dhaqaale ahaanba.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa caddeeyay in la kordhinayo xarumaha lagu daaweeyo dadka uu soo rito COVID-19, lana badin doono baaritaanka si qof waliba uu u helo fursad uu isugu baaro, dowladduna ku howlantahay soo iibinta qalab caafimaad oo qayb ka qaata xakameynta COVID-19. Bangiga Adduunka ayaa dowladda ka oggolaaday inuu usoo iibiyo qalabka caafimaad ee aadka loogu baahannahy si loola dagaalo cudurkan.

Ra’iisul Wasaaruhu waxuu sheegay in dowladdu ka codsatay deeq bixiyayaasha in caawinaadaha ay bixin jireen loo wareejiyo dhinaca caafimaadka iyo taakulaynta danyarta uu cudurkani saameeyay nolol maalmeedkooda, sidoo kale dowladaha Yurub iyo Maraykankaba ay ka codsatay sidii Bangiyada iyo Xawilaadaha Soomaaliyeed shaqadooda loogu fududayn lahaa.

Waxaa kale oo Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in Xukuumadda, Ganacsatada, dhaqaatiirta, bulshada rayidka iyo culimaduba ay wadaan dadaal xoggan oo loogu gurmanaayo dadka Soomaaliyeed ee caawinta u baahan, Ganacsatada Soomaaliyeed iyo wasaaradda maaliyaddu ay isla garteen in la yareeyo saamaynta dhaqaalaha ee k a dhasha COVID-19, lana dhimahy canshuurta raashinka daruuriga ah.

Ganacsatada ayuu mar kale Ra’iisul Wasaaruhu faray inay shacabka u turaan xaaladdan adag ee lagu jiro, Culimaduna ay shacabka kula taliyaan in qof waliba uu gurigiisa ku cibaadaysto maadaama waajibaadka diiniga ah ay ugu horeeyso badbaadinta nafta. Dhaqaatiirta ayuu xasuusiyay in la joogo xilligii loogu baahida

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.