Home Afsomali Full VIDEO Khilaafka Galmudug oo Gaaray in Xildhibaannada dowlad gobolleedka Galmudug ...

Full VIDEO Khilaafka Galmudug oo Gaaray in Xildhibaannada dowlad gobolleedka Galmudug loo diido in ay shiraan Iyo haween ka hadlay

Wararka ka imaanaya magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee maamulka Galmudug ayaa sheegaya in Xildhibaanada Baarlamaanka maamulkaasi ee dhawaan xilka ka qaaday Madaxweynaha Galmudug ay diideen in ay ka laabtaan go’aankoodii hore.

Dhawaan Waxaa magaalada Cadaado gaaray Wasiirka Arimaha gudaha xukuumada Soomaaliya C/Raxmaan Odawaa iyo Xildhibaano katirsan Baarlamaanka, kuwaa oo isku dayayay in ay bad baadiyaan Madaxweynaha Galmudug ayna xaliyaan Khilaafka kala dhaxeeya Xildhibaanada.

Wasiir Odawaa ayaa la sheegay in Qorshaha ugu weyn uu u tagay magaalada Cadaado ay aheed in uu kala fur furo Xildhibaanadii dhawaan kalsoonida kala noqday Madaxweynaha Galmudug C/Kariin Xuseen Guuleed.

Odawaa iyo Xildhibaano kale oo la kulmay Xildhibaanada Galmudug ayaa ku guul dareestay in ay kala fur furaan Xildhibaanada Xilka ka qaaday Madxaweynihii Galmudug, waxa ayna Xildhibaanada ku adkeesteen go’aankoodii hore ee ku aadanaa in kalsoonida kala noqdeen

Wadaxweynaha.

Hal Xildhibaan oo katirsanaa Baarlamaanka Galmudug ayey ku guuleesteen Wasiirka iyo masuuliyiinta kale ee Cadaado gaaray in ay ku qanciyaan in uu ka laabto go’anakii hore uuna taageero Madaxweynaha .

Wararka aan heleyno ayaa sidoo kale Sheegaya in Wasiirka Arimaha gudaha iyo Xildhibaanada la socday magaalada Cadaado la tageen lacago badan ay doonayeen in ay ku kala fur furaan Xildhibaanada is baheestay ee Cadaado ku sugan.

Mid kamid ah Xilddhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa noo sheegay in ay iska diideen lacago loo keenay , waxa uuna Tilmaamay in Masuuliyiinta tagay Cadaado ay ku doonayeen in Xildhibaanada ku kala fur furaan lacag dhan 3-kun ilaa 2-kun Dollar balse laga diiday.

Wasiirka Arimaha gudaha iyo Xildhibaano kale oo la tagay magaalada Cadadao ayaa waji gabax kala soo kulmay safarkooda, waxa ayna dib ugu laabteen Muqdisho markii ay ku fashilmeen qorshahooda, waxa ayna taa badalkeeda la sheegay in ay qarash ku bixiyeen sidii loo fashilin lahaa kulamada ay Baarlamaanka Galmudug ku yeeshaan Cadaado si aysan Madaxweyne kale u dooran.

Madaxweynaha Galmudug C/Kariin Xuseen Guuleed ayaa la sheegay in xiligan uu ku sugan yahay magaalada Muqdisho uuna lasoo darsay niyad jab ku aadan in uu sii Hogaamiyo Galmudug, waxaana fashilmay qorshayaal badan ay wateen Guuleed iyo kooxda uu katirsan yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.