Maamulka Gobolka Banadir oo saacado ka dib Jawaab ay ku faraxdo siiyey Maamo Coley Maxamed Adan oo cabasho horey ugu gudbisay
Gudoomiye Ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyada Gobolka Banaadir Cabduqaadir Maxamed Maxamuud Caana Boore ayaa gurigeeda Booqasho u kuurgalka ugu tagay maamada ka dib markii uu maqlay culeys dhaqaale oo soo food saarey si uu u ogaado dhibka jira inta uu la eg yahay
Is wareysi dheer ka dib uu sheegay in la xaliyey dhibkii jirey oo qaab farsamo ah ku dhacay wuxuuna xusay in ay xaquuqdeeda heli doonto inta uu masuuliyeeda haayo
Waxaana laga dheehana karay sida uu uga xun yahay in la dayaco waalidiinta da,da ah sida
Maama Coley Maxamed Adan ayaa sheegtay in ay aad ugu qiirootey uguna faraxday markii uu ugu tagay gurigeeda waxayna xustay in ay ku qanacsan tahay jawaabta degdega ah ee uu cabashadeeda ka bixiyey maamulka Gobolka Banaadir iyo balanqaadka uu u ssameeyey raaligiina ay qaadatay
Gudoomiye Ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyada Gobolka Banaadir Cabduqaadir Maxamed Maxamuud Caana Boore oo warbaahinta kula hadlay guriga Maama Coley Maxamed Adan Ayaa xusay in xaquuq ka maqneyd la xaliyey uuna aad uga xun tahay qaladka dhacay
Caana Boore ayaa sheegay in Maama Coley Maxamed Adan ay ka mid tahay dadka Gobolka Caanka ka ah ayna weligeed ka shaqeyn jirtay nabada iyo dowadnimada isportiga iyo fanka ilaa todobaataneeyadii sidoo kale wuxuu sheegay in ay masuuliyiinta dowlada ay wada garanayaan sida madaxweynaha iyo gudoomiyaha Gobolka
Gudoomiye Ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyada Gobolka Banaadir Cabduqaadir Maxamed Maxamuud Caana Boore fariin u direy qof kasta oo la shaqeysa masuuliyiinta dowlada ay saacidaan dadka jilicsan ee aan awoodin in ay la kulman madaxda ay la shaqeeyaan si wax loogu qaabto
Gudoomiyaha Isportiga Dagmada Waaberi Cali Rooble Nuur
Oo joogjooge ka ahaa ayaa kamahad celiyey wuxuuna sheegay in wax weyn uu uu qabtay maamulka Gobolka Banaadir