Home Afsomali Full VIDEO Madaxda Jubbaland iyo Puntland oo Muqdisho soo gaaray

Full VIDEO Madaxda Jubbaland iyo Puntland oo Muqdisho soo gaaray

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo Wafdi uu hoggaaminaayo ayaa goordhow soo gaaray Muqdisho.

Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud.

Waxaa sidoo kale garoonka ku sugnaa Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa shir la yeelan doona Madaxweyne Farmaajo.

Waxaa sidoo kale Magaalada Muqdisho soo gaaray Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Waa markii ugu horreysay oo uu Muqdisho yimaado tan iyo markii loo doortay Madaxweynaha Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.