Home Afsomali FULL video Madaxweynaha Dowlada Hirshabelle oo shacabka Baaq u jeediyey

FULL video Madaxweynaha Dowlada Hirshabelle oo shacabka Baaq u jeediyey

Madaxweynaha Dowlad Hirshabeelle Maxamed Cabdi waare oo uu wehliyo Madaxweyne Ku Xigeenka Hirshabeelle  Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Munaasabad Casho Sharaf ah ugu sameeyay Xarunta Maamulka Gobolka Hiiraan Wafuud sadax geesood ah oo ka kala socday dowlad goboleedka Puntland, dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo Wafdi ka Socday bulshada iyo ganacsatada magaalada Nairobi oo uu hormuud u ahaa Sheekh Maxamed Cabdi Umal.

Madaxweyne Waare ayaa u Mahad Celiyay gudigaan Isxilqaamayaasha ah iyo dadka Soomaaliyeed oo Si aan kala go’ lahayn ugu soo gurmaday dadka Reer Beledweyne oo ay saameeysay Fatahaadii Webiga Shabeelle.

Munaasabadaan Casho Sharafta ahayd Waxaa Goobjoog ka ahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Sh Cusmaan Barre, Guddoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Marwo Canab Axmed Ciise, qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka, Xubnaha labada Gole ee DG Hirshabeelle, maamulka Gobolka Hiiraan, ganacsato iyo qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada Beledweyne.

Ugu danbeytii oo munaasibada khudbad dhinacyo badan taabayeysa ka jeediyey ayaa mahadcelin ka sokow wuxuu dardaaran u jeediyey bulshada reer baladweyne iyo Somali dhamaanteed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.