Home Afsomali Full VIDEO Madaxweynaha Puntland iyo wafdi uu hogaaminayo oo lagu soo dhaweeyay...

Full VIDEO Madaxweynaha Puntland iyo wafdi uu hogaaminayo oo lagu soo dhaweeyay Muqdisho

Madaxweynaha dowlad Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka soo degey garoonka diyaaradaha Aden Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana si heer sare ah loogu soo dhaweeyay garoonka, iyadoo soo dhoweyntiisu ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka iyo dadweyne faro badan.

Madaxweynaha Puntland ayaa lagu wadaa inuu ka qeybgalo shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada ee dhowaan ka furmaya magaalada Muqdisho, waxaana hore magaalada caasimadda u sii joogay Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Hirshabeelle Axmed Maxamed Islaam iyo Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali guudlaawe).

 

Afhayeenka Dowlada Puntland Jaamac Yuusuf Jaamac (Dabaraani) oo saxaafada kulahadlay Gudaha garoonka ayaa safarka madaxweyne ku tilmaamay safar shaqo pp la xariira doorashooyinka wuxuuna ka mahadceliyey Soo dhaweeynta heerkeedu sareeto ee Muqdisho loogu soo dhaweeyey Madaxweyne dani iyo wafdigiisa balaaran

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.