Home Afsomali Full VIDEO Madaxweyne Deni” Xamar Amni iyo nadaafad midna kama jiro”

Full VIDEO Madaxweyne Deni” Xamar Amni iyo nadaafad midna kama jiro”

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlayay kulan soo dhaweyn ah oo ay Beelaha Muqdisho u sameeyeen ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka, Arrimaha doorashooyinka iyo Amniga.

Waxaa uu sheegay in u jeedada ugu weyn ee shirka Muqdisho ay tahay arrimaha la xiriira doorashada Soomaaliya maadaama Afartii sanaba mar doorasho la qabto si loo ilaaliyo xasiloonida dalka.

Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay Arrimaha la xiriira shirkii Dhuusamareeb ayaa sheegay in dhankooda uu welu u furan yahay, sidoo kalena uu weli ku celinayo in doorashada waqtigeda ku dhacdo si isla ogol ah oo looga gudbo welwelka jira.

Waxaa uu soo hadal qaaday Arrimo ku saabsan dhanka Amniga,waxaana uu sheegay in muqdisho uusan ka jirin amni iyo nadaafad,isla markaana xaalka Xamar uu u baahan yahay in wax laga bedelo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.