Home Afsomali Full VIDEO Madaxweyne Qoor Qoor Dib u heshiisiintii Siyaasadeed Guul weyn ayaan...

Full VIDEO Madaxweyne Qoor Qoor Dib u heshiisiintii Siyaasadeed Guul weyn ayaan ka gaarnay

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa sheegay in Galmudug ay wajaheyso wada cusub oo horumar gaarsiin doonta,sidoo kalena ay ka Shaqeynayaan sugida Amniga Guud ahaan deegaannada Maamulka Galmudug.

Waxaa uu sheegay in dib u heshiisiintii siyaasadeed ay ka gaareen guulweyn,hayeeshee cid allaala cidii tabasho qabta ee xumaan aan waxba ku dooneyn inay diyaar u yihiin inay qanciyaan.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi uu ku daray in Koox kasta dadka deegaanka iyo Siyaasi walba ee tabasho qaba ay gacanta u haatin doonaan,isla markaana ay ilaalinayaan midnimada si loo ilaaliyo nabada Galmudug,waxaana uu Shacbaka ugu baaqay inay Maamulka la Shaqeeyaan.

Hadalkaan ayaa Madaxweynaha Galmudug waaxa uu sheegay xalay xilli uu kulan la qaatay Xildhibaannada Cusub ee Dowlad goboleedka Galmudug,kulankaas oo ahaa mid uu uga mahad celinayay ansixintii Golihiisa Wasiirada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.