Home Afsomali Full VIDEO Madaxweyne Xasan Sh oo Xeeryaha Barakacaasha beydhabo ku booqday

Full VIDEO Madaxweyne Xasan Sh oo Xeeryaha Barakacaasha beydhabo ku booqday

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada Koonfur Galbeed ee culimada, haweenka, dhallinyarada iyo aqoonyahanka, ayaa kala hadlay doorkooda ku aaddan dib-u-dhiska dalka, adkaynta dowladnimada, dib-u-heshiisiinta bulshada, taakulaynta dadka danyarta ah iyo kuwa u nugul masiibooyinka dabiiciga ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa qaybaha kala duwan ee bulshada ee uu la kulmay ka dhagaystay aragtiyahooda ku saabsan dowlad-dhiska dalkeenna, isaga oo la wadaagay qorsheyaasha dowladda Federaalka ee horumarinta bulshada, shaqo abuurka, la dagaallanka argaggixisada, nabadaynta, taabbo-gelinta adeegyada asaasiga ah iyo u gurmashada dadka tabaaleysan.

Dhankooda, qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey qaabbilaadda uu u fidiyey iyo sida wanaagsan ee uu uga dhageystay aragtiyaha ay la wadaageen, iyaga oo hoosta ka xarriiqay in ay Madaxweynaha ku garabsiinayaan dadaalka uu ugu jiro horumarinta dowladnimada iyo dib-u-heshiisiinta dadka Soomaaliyeed.

Previous articleFull VIDEO Dhul boob ka socda Suuq ku yaala Muqdisho (Akhriso)
Next articleHay’ado sheegay tirada Xoolaha Abaarta ugu geeriyooday dalal ay kujirto Somalia

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.