Home Afsomali Full VIDEO Mareykanka oo somalia deymihii ka cafiyey

Full VIDEO Mareykanka oo somalia deymihii ka cafiyey

 

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Maraykanka cafinta deynta ay ku lahaayeen dalkeenna oo maanta ay si rasmi ah qalinka ugu duugeen, kaddib wadahadallo miro dhal ah oo dowladdeenu ay kala yeelatay dhiggeeda Maraykanka.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo goob goobjoog u ahaa heshiiskan oo dhinaca Soomaaliya uu u saxiixay Siihayaha Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, halka Dowladda Mareykanaka uu u saxiixay Danjirahooda u fadhiya Soomaaliya Mudane Donald Yamamoto ayaa tilmaamay dadaalka wadajirka ah ee shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay ku bixiyeen dib u dhiska dowladnimadooda, ayna maanta joogaan xilligii ay ka miro-dhalin lahaayeen higsigooda.

“Tallaabadan Dowladda Mareykanku ay kaga cafisay dalkeenna saamigeeda deyn cafintii dalalka Naadiga Paris ayaa ah tallaabo kale oo Soomaaliya ay u qaadday dhanka deyn cafin buuxda iyo horumar dhaqaale.”

Sidoo kale, Raiisul Wasaaraha Jamhuuriyadda ayaa ku ammaanay Golaha Xukuumadda, gaar ahaan Wasaaradda Maaliyadda, Guddoonka iyo Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka, Madaxda Dowlad Goboleedyada, ganacsatada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed sida ay ugu midoobeen, uguna dhabar adeygeen hiigsiga deyn cafinta iyo qorshaha dib u habeynta dhaqaalaha dalka.

Munaasabadda saxiixa heshiiskan oo uu goob-joog ka ahaa Siihayaha Ra’iisul Wasaare-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa qeyb ka ah is-afgaradkii shirkii dalalka Naadiga Paris ee lagu go’aamiyay in dalkeenna laga cafiyo deymaha ragaadiyey hor- u socodka dhaqaaleheenna, kuwaas oo dhan 1.4 Billion oo Doollar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.