https://youtu.be/bn5kIjeS1LQ
Maslaxo saalax Xaaska catoosha yare oo lagu amray in ay iska soo duubto muuqaal anshax dari ah waxayna sheegtay in lagu yiri isqaawintu shaqada ayey ka mid tahay ee is qaawi sidaasna Shaqada Durdur media waa ka tagay. Xasan Top muuqaal bahdil ayuu iga duubay waxa uu igu qasbay in liiga duubo anigoo Baraag biyo ku jiro oo dharka igu dhagan yahay, iga dhaaf ayaa ku dhahay maadaama dharka igu dhagan yahay balse wuu iga diiday oo Hooyadeey ayuu soo wacay waxa uu ku yiri gabadhaada shaqo ma rabo.
Aniga hooyadeey warkeeda ayaa qaatay si aan shaqadeyda u sii wato. Muuqaal qeybta dharka igu dhagan iga jar ayaa ku dhahay Xasan Top balse wuu iga diiday. Dadkii dhan aniga ayaa isoo caynooyaan ma aqaan waxa aan sameyo. Waxa hadda aan u imid Hooyadeey oo iga dardardaaran tay inaa iska dhaafo xayeysiinta iyo shaqada aan u sameynayo durdur media.
Lacag $100 ayuu isiin jiray Xasan Top bil kasta. $80 ayaa hooyadeey siin jiray bil kasta halka inta soo hartay cunugeyga caano ugu gadan jiray”.
Waxaa sidaas tiri Maslaxo oo la joogto Hooyadeed.