Home Afsomali Full VIDEO Maxaa loo dilaa dhacaa boobaa ajaaniibta dalka koofur Africa jawaabta...

Full VIDEO Maxaa loo dilaa dhacaa boobaa ajaaniibta dalka koofur Africa jawaabta saxdaa ka bogo

Saaxiibada aan jecel nahayow waa mar kale iyo barnaamijkeenii sii daa waxaad maanka ku heyso waana barnaamij aan kaga hadalno arimha caadooyinka iyo dhaqanka dadyowga kala duwan ee dunida

Warbixintaan ayaan dhamaanteed ku soo qaadaneynaa dhibaatooyinka haysta dadka ku dhaqan guud ahaan dalka South gaar ahaana ajaaniiba

Waxaana magaalada Nashville  Ee dalkaasi south Africa nooga soo diyaariyey warbixintaa ENG Abdirazak Yassin Maxamed

waad ku mahadsan daawashadiina sharafta leh ee noo shere gareya si fariintaan ay Saaxiibo badan u gaarto naguma soo biir si aad u heshid waxbixinada aan soo bandhigno.

Aan ku bilownee   Waxaa gebi ahaan waddanka South Africa ka dhaca had iyo jeer dhibaatooyin lala beegsado dadyowga aan u dhalan wadanka waxaana dhibaatadaa horsed ka ah dadka waddanka u dhashay ee fiqiirka ah kuna nool meelaha ugu nolosha xun waddanka hadaba dadka lala beegsado dhibaatada joogtada ah oo ka kala yimid dalal isla Africa uun ah waxaa ka mid ah Soomaalida, Mozambique, Malawi iyo Zimbabawe mar kastana.

Fadlan rukumo oo iska diiwaangeli begkeena si aad warbixino dheeraad ah u hesho!  

dadka fiqiirka ah ee waddanka u dhashay ayaa ku andacooda in ay shaqooyinkoodii qaateen boqolaal ayayna si axmaqnimo ah  naftooda u gooyaan  kumanaana waa dhaawac kumaankun kalena waxaa lagu xereeyey oo ay u baro kaceen xeryo qaxooti, waxay dadkan faqiirka ahi u adeegsadaan dilka dadka Mindiyo.

faasas, bistoolado, dubeyaal iyo wax alla wixii gacan qabsi ah ee ay helaan dukaamada oo markay biliqaystaan gubaan, waxaana laga daawadaa sida ay wax u dhaceen inta badan baraha bulshada ee soshiyaal mediyaha .

Waxay dadkan qaxootiga ahi jaraan taarka lagu wareejiyey dhinaca xaduuda ee South Africa la leedahay waddamada jaarka ay la tahay sida Zimbabwaen oo ka soo talowda dhinaca Musina ee South Africa sida ay xaqiijisay human rights group waxaa waddanka  Zimbabwae ka soo talaaba bishiiba 49,000 una soo talaaba dhinaca South Africa waxaana hada ku sugan 3,5 Million qaxooti bilaa sharci ah oo reer Zimbabwae ah

Qaxooti reer Zimbabwae ah oo ka talaabaya webiga  Limpopo River oo u dhow magaalada  Musina ee South Africa , waaana la gubaa goobaha ay dagan yihiin dadyowga aan u dhalan waddanka ee ku yaal caasimada Johannesburg

dawladu dalkaas ayaa  u samaysay  meelo naftooda lagu illaaliyo dadka ay dhibaataynayaan dadka neceb dadka aan u dhalan waddanka waxayna hada ku jiraan xaalad aad u adag oo ugaarsi ah

Dadka madow ee nacaybku ka buuxo ayaa waxay bartilmaameed sadeen halka qaxoontiga ugu badani degaan ee Reiger park oo ah duleedka Johannesburg.

Pageejaka aan ku leenaha baraha bulshada  waxay ku siinayaan marino aan kuugu soo gudbino warbixino degdeg ah oo malaayiin garaya laga bilaabo kuwii hore ee ugu cadcadaa ilaa kuwii ugu dambeeyay. Kaliya ku dhufo barteena dhaqanka follow iyo shere  si aad u daawato wax kasta oo aad jeceshahay .

 

Dagaalka ajaaniibta ayey u adeegsadaan gaashaaman warmo. seefo, mindiyo, dubeyaal, seefo, faashash iyo wixii ay qof bani’aadmi ah ku goyn karaan naftiisa  Polce South African ah ayaana waxba ka qaban mana caawiyaan mar ay la kulmaan ajaaniib dhibaatooyin loo geysanayo oo ka soo talaabay xaduuda Mozambic kuwaas oo mararka qaarkood ay dab qabadsiiyaan hantidiisiina ay boobeen

Dadkii soo weeraray Reiger Park ee dadka waddanka aan u dhalani deganaayeen ayaa Police ku soo gaaray waxaana lagu riday rasaasta rabadhka ah waxaana ka dhacday kabtay meeday way kala dareeriyeen tuugtii dadka laynaysay balse ma ku joogayaan maalin la kala diri waa dad aan shaqo hayn shaqona hada ka dhigtay hantidad dadka oo ay bobaan iyo dhiiga shacabka walaalahooda madow ee ay laynayaan iyagoon wax macno leh ku salaynayn dhibaatada .

Dadka aan u dhalan waddanka ayaa cabsi xoogan la soo waajahaday waxaana la gubay guryahoodii , waxaa ku dhacay in ay debed galoobaan dabkan ku shitaan debeda si ay uga badbaadaan dilka foosha xun ee loo gaysanayo waana duleedka saldhig ciidamada Police leeyihiin oo la yidhaahdo Jeppe police qabowga ayaa ah mid daran xiliga habeenkii dab yar oo ay shiteen ayaa gacmaha lala wada tiigsaday

Dadka qaar ayaa cabsi darted kaniisada galay si amaankooda loo sugo waxaa kumaankun dad ahi mudaaharaad ka dhigaan  bartamaha Johannesburg si dawladu wax uga qabato dhibka

UN ta ayaa u dhistay teendhooyin dadka barakacay waxaana safaf loogu jiraa bustayaal loo qaybinayo si KMG loona bixiyey camp Germiston

Waxaana la arkaa  dad buuqaya iyo kuwo kala llumay oo is raadinaya magaalada Cape Town ka dib dhibaato ay u gaysteen dadka reer south Africa , qaxoonti badan ayaa isku ciriiryo meelaha  laga bixiyo  waraaqaha qaxoontinimada refugee asylum permits dadka ka soo talaabaya dhinaca wadanka Zimbabwae ayaa ah xad dhaaf oo si aan kala go’ lahayn u soo talaaba

Mararka qaar dadka  u dhashay waddanka Zimbabwa dib ayaa loogu celiyaa waddankoodii waxayna ka baxeen Johannesburg dhibaatada loo gaysto dadka aan u dhalan waddankan South Afrika ma aha mid intaa lagu soo koobi karo dhanka kale dadka soomaalida ah oo maalin walba aan maqalo waa la dillaa ama waa la dhacaa waxay beegsadaan wax alla wixii dad ah ee aan u dhalan waddanka intaa ha inoo jooto warbixintii aan kaga hadlaynay dhibaatooyinka heysta dadka ku dhaqan South afrika waxan soo socda kuwo kale oo aan idiin soo dusis doono dhawaan

 

Side aad u aragto warbixintaan fikirkaagu waa muhiim aragtidaada hoos noogu reeb qeybta commentiga  hadaad nagu cusub tahay follow iyo like soo saar noona shere garey si muuqaalkaan uu Saaxiibo badan  u gaaro mahadsanidiin

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.