Home Afsomali Full VIDEO Maxaabiis iyo ehelo isu hiloobey oo dowladu kulmisay

Full VIDEO Maxaabiis iyo ehelo isu hiloobey oo dowladu kulmisay

Ergayga xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya u qaabishan muhaajiriinta, qaxootiga iyo xaquuqda caruurta, Maryam Yaasiin Xaaji Yuusuf, iyo mas’uuliyiin kale ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle Cusmaan kusoo dhaweeyay mawaadiniin Soomaaliyeed oo laga soo daayay xabsiyada dalka Tanzania.

Maryam Yaasiin Xaaji Yuusuf ayaa sheegtay intii uu socday qorshaha soo daynta mawaadiniintaan ay safar ku tagtay magaalada Darussalam ee dala Tanzania iyada oo fulinaysa amarka madaxwaynaha iyo ra’iisul wasaarha Soomaaliya kadibna ay dawladda dalkaas kala hadashay in mawaadiniinta Soomaaliyeed ee xabsiyada ku jira xorriyadooda loo soo celiyo, laguna soo wareejiyo dawladda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa markii ay mawaadiniintu kasoo degeen garoonka diyaaradaha waxa uu iyaga iyo eheladooda kula hadlay qadka taleefoonka, isaga oo u sheegay in hoggaanka dalka ay muhiimadda koowaad u tahay badbaadinta dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay dunida uga suganyihiin.

Canabd Cali Faarax oo ka mid ah Waalidiinta dhalay mawaadiniita Soomaaliyeed ee xabisyada Tanzania laga soo saaray oo horay uga codsaday dawladda soo daynta carruurtooda, ayaa uga mahadceliyay dadaalka ay ku badbaadiyeen wiilashooda.

Waxayna xustay in Dowladaan wixii ka horeysay Somali dhamaanteed maxaabiis ahaayeen

Sidoo kale sacdiyo ayaa dowlada horey uga codsatay in eheladooda xiran loo soo daayo taasna ay ka heshay jawaabtii madaxda dowlada

Dhallinyada laga soo daayay xabsiyada Tanzania dalka lagu soo dhaweeyay ayaa dhankooda uga mahadceliyay dawladda dib-u-helidda xorriyaddii sannadaha badan ka maqnayd.

Yoonis Cabdulaahi Warsame  ayaa sheegtay in xabsiga dalkaasi taganzaaniya aanay hada ku jirin ruux soomalaali ah ayna yihiin kooxdii ugu danbeysay ee dowladu ka soo furdaamiso

loo kala heystay danbiyo iskuugu jiray burcad badeednimo iyo tahriib ay doonayeen in ay ugu sii gudbaan wadamo kale

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.