Home Afsomali Full VIDEO Mustaf Cali Kheyre oo si rasmi ah ula wareegay Xilka...

Full VIDEO Mustaf Cali Kheyre oo si rasmi ah ula wareegay Xilka gudoomiyahay Dagmada Howlwadaag

https://youtu.be/3JFv6tB7iAA

Munaasibada balaaran oo ay xilka Gudoomiyenimo ee dagmada howlwadaag kulakala wareegayeen ayaa ka dhacday xarunta dagmadaas ee magaalada Muqdisho

Xilwareejinta gudoomiyihii hore ee dagmada Cabdikariin Cali seef la bood  iyo mustaf Cali Kheyre waxaa ka soo qeybgalay maamulka Gobolka banaadir masuuliyiin ka kalaa socotay dowlada fadaraalka saraakiil ciidan cayaartoyda hidaha iyo dhaqanka kooxda fanaaniinta dagmada howlwadaag   iyo bulshada ku dhaqan waaxyaha ay ka kooban tahay dagmada iyo marti sharaf kale

Ugu horey Waxaa goobta ka hadlay Cabdi beydhabo oo sheegay in 31 sano ka hor isagu dagmada gudoomiya ka soo noqday isla markaana ka sheekeeyey aqoonta uu dagmada u leeyahay baahiyaha ciidan ee ka jira

Nabadoon Xasan madow ayaa soo dhaweeyey isbedelka laga gudoomiye wuxuuna balan qaaday in uu la sheqeyn doono maamulka cusub ee uu hogaaminayo Mustaf Cali Kheyre

Agaasimaha Xiriirka dagmooyinka ee  maamulka Gobolka banaadir dhagacade ayaa amaanay bulshada ku dhaqan dagmada isaga oo u kala wareejiyey ducumentigii dagmada iyo xilkiiba

Gudoomiye Cabdikariin Cali Seef la bood ayaa si kal iyo lab ah xilka dagmada ugu wareejiyey Gudoomiye Mustaf Cali Kheyre isaga uu u mahadceliyey dadka ku dhaqan deegaanka dagmada wuxuuna bulshada ka kula dardaarmay  in ay la shaqeeyaan  masuulka xilka loo igmaday ugu danbeyntiina wuxuu ugu baaqay cidii wax ka tabaneysa in la is wada cafiyo

Gudoomiyaha cusub ee dagmada howladaag Mustaf Cali Kheyre oo madasha hadal jeedinta khudbada dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyey ayaa balan qaaday in uuhowshiisa u gudan doono si ay ku jirto cadaalad iyo hufnaan .

Gudoomiye ku xigeenka arimaha bulshada iyo wacyi galinta Maamulka Gobolka banaadir Basma Caamir Shakeeti oo munaasibada xilwareejinta soo gunaanaday sharaxaad dheer ka bixisay shaqsiyada gudoomiyaha cusub waxayna la dardaarantay bulshada reer howlwadaag iyo maamulka Cusub

Dadka deegaanka iyo qaar ka mid ah ururada bulshada ayaa hadiyado qaali ah gudoonsiiyey labada gudoomiye taasi oo ay ku muujinayeen sida ay ugu faraxsan yihiin isbedka maamulka dagmada

Xarunta Dagmada haatan waxaa ku socda dib u dhis balaaran ka dib weeraro iyo qaraxyo loo adegsaday gawaari laga soo buuxiyey walxaha qar ah kuwaas oo galaafta nolosha dad badan

Gudoomiyaha cusub ee dagmada loo magacaabay ah mid ka mid ah Aqoon yahay dadka deegaanka

Maamulka Gobolka banaadir oo xilalkii u kala wareejiyey gudoomiyihii hore ee dagmada howlwadaag iyo gudoomiyaha cusub ee loo soo magacaabay dhawaan

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.