Home Afsomali Full VIDEO Odoyaasha dhaqanka oo wacad ku marey hadii ay xildhibaanadu xukuumada...

Full VIDEO Odoyaasha dhaqanka oo wacad ku marey hadii ay xildhibaanadu xukuumada ansixin waayaan in ay dhagax iyo shaafto kala daalayaan

Odoyaasha dhaqanka oo wacad ku marey hadii ay xildhibaanadu xukuumada ansixin waayaan in ay dhagax iyo shaafto kala daalayaan

Hanjabaadyo iyo Duco ay xildhibaanada u jeediyeen salaadiinta dhaqanka soomaaliyeed .

Xildhibaanada hadey xakuumada ansixin waayaan waa in aan dhagxaan la dhacnaa

Kulankaan ay iskuugu yimaadeen madaxda Dhaqanka Soomaaliyeed ayaa ahaa mid ay ku sagootinayeen xukuumadii hore isla markaana ay ku soo dhaweynayeen xukuumada cusub ee raiisaal wasaare Xasan Cali Kheyre .

Waxaana ka soo qeybgalay odoyaashii dhaqanka ee soo xulay xildhibaanada oo ay wehliyaan ergooyinkii sida ugaasyo suldaano iyo salaadiinta dhaqanka .

Kulanka ayey cuqaasha soomaliyeed ku dardar galiyeen xildhibaanada baarlamaanku in ay ansixiyaan xukuumada waxayna dalabkooda ugu dareen xildhibaanada ducu iyo dardaaran waayeel

Qaar k amid ah dhaqnka soomaaliyeed oo madasha shirku ka dhacayey hadalo ka soo jeediyeyy ayaa xildhibaanada cusunb warbaahinta u mariyey amaro ,hanjabaayodyo iyo ducooyin waxayna sheegeen in ay iyagu yihiin kuwii soo xulay haatan ay uga fadhiyaan ansixinta xukuumada

Salaadiinta ayaa golaha shacabka iyo gudoonka baarlamanka uga digay in iyagu sababa u noqon in ay dhibaato dhacdo ayna quuldareeyaan xaalada adage e dalku ku jiro

Ugu danbeyntii gudoomiyaha odoyaasha dhaqanka soomaaliyeed Nabadoon Maxamed Xasan Xaad ayaa shirka soo gunaanada wuxuuna xukuumada u rajeeyey in ay codka kalsoonida Baarlamanaka ka heli doonto.

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.