Home Afsomali Full VIDEO Qaabkii loo wareejiyey Dekeda berbera iyo saalaanyo oo faahfaahiyey Qiimaha...

Full VIDEO Qaabkii loo wareejiyey Dekeda berbera iyo saalaanyo oo faahfaahiyey Qiimaha Heshiisku u leeyahay Somaliland

Munaasibadan oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay kana soo qaybgaleen Madaxda ugu saraysa shirkada Dp World iyo Madax sare oo ka socday dawlada aynu walaalaha iyo jaarka nahay ee Itoobiya ayaa ahayd mid ay shirkada DPW si rasmi ah ugala wareegtay dawladda Somaliland dekeda Berbera sidii ay heshiisyadii hore lagu cadeeyey, balse munaasibadan ayaa ah midii ugu weynayd ee dalka lagu qabto, taas oo lagu shaaciyey heshiiskaasi hore uga dhacay Dubai.

 

Weftigii miisaan leh oo ka socday shirkada Dp world ayaa  subaxnimadii hore maanta May 11 2017 ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Kuwait Terminal of Berbera, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyey weftiga xubno ka mida golaha wasiirada oo uu hoggaaminayey wasiirka arrimaha dibeda Somaliland iyo madaxda gobolka Saaxil, waxaana loo soo gelbiyey dhinaca guriga martida ee magaalada Berbera waxaana ku qaabiley madaxweynaha qaranka jamhuuriyadda Somailand Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, ka dibna waxa loo gudbay dhinaca dekeda oo ay ka dhacday munaasibada wareejinta dekedu, waxaana halkaasi hadalo ka jeediyey maareeyaha dekeda Berbera ee Dp World (DP World Berbera CEO Ibrahim Al Hammadi, said), maamulaha shirkada Dp World, (DP World Group Chairman & CEO Sultan Ahmed bin Sulayem, said), wasiirka arrimaha dibeda Somaliland, Dr Sacad Cali Shire iyo Madaxweynaha oo isagu soo xidhay munaasibada, ka dibna shahaadooyin ayuu madaxweynuhu gudoonsiyey isagoo uu wehelinaayo maamulaha shirkada Dp World, masuuliyiintii ka socday dawlada Somaliland iyo shirkada DP World ee qaybta weyn ka qaatay in ay hirgasho oo lagu guulaysto heshiiskan taariikhiga ah ee Somaliland iyo DP World ay wada galeen.

Madaxweynaha qaranka Somaliland, Md Axmed Maxamed Silaanyo oo halkaasi khudbad ka jeediyey ayaa yidhi” Bismillaahi Raxmaani Raxiim,,, Alxamdaalilaahi Rabbil Caalamiin, Wa Salaatu Wa Salaamu Calaa Rasuulillaah.

Asalaamu Calaykum Wa Raxmatullaahi Wa Barakaatuhu.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Milgo iyo maamuus weyn ayey ii tahay, in aynu maanta isugu nimaadno xafladdan taariikhiga ah ee ku suntan iskaashiga dhaqaale ee u dhexeeya labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Isutagga Imaaraatka Carabta. Waxa dhammaanteen farxad iyo yididiillo inoo ah, in maanta aynu si rasmi ah Dekedda Berbera ay ka mid noqotay dhowr-iyo todobaatanka Dekedood ee ay maamusho ama maalgelinayso Shirkadda Caalamiga ah ee DP World, taas oo qarankan u horseedi doonta in ay u soo jiiddo, saaxiibo iyo xidhiidho ganacsi oo dhiiri gelin kara maalgashi badan oo hor leh.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Casriyeynta iyo ballaadhinta Dekedda Berbera, waxay u ahayd bar-tilmaameed barnaamijka Wax-qabadka Xukuumaddayda. Waxaan aaminsanahay in maanta dariiqa ugu habboon ee aynu ku dhisi karno dalkeenna hooyo, uu yahay, in aynu la nimaadno Siyaasad Ganacsi oo furfuran, taas oo inoo sahli karta in aynu hello maalgashi caalami ah oo ku dhisan dano-wadaag (Mutual Interest).

Shirar maalmo lagugu martiqaado, iyo maqdarad adduun weynuhu kuu dhigo, oo hadba lagugu manno sheegto, midna qaran kuma meel maro. Hase-yeeshee, ummadi waxay asaageeda ku gaadhi karta oo qudha, himilo cad, hammi fog, iyo hal abuur uu saldhig u yahay tacab, talo wadaag iyo isku tashi. Waxaan leeyahaya shacbigayga, waynu isku tashanaynaa, Ilaahayna waynu talo saaranayna, waxaa dhab ah murtida soomaaliyeed ee tidhaahda: “Biyo sacabadaada ayuun baa lagaga dhargaa”.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Mandaqadda Geeska Afrika, waxa ka socda tartan ganacsi oo dhinacyo badan leh, taas oo wax tar u leh shucuubta ku dhaqan Geeska Africa. Sidaa darteed, Somaliland oo ku taal boqcad istraatiiji ah, oo muhiim u ah isu socodka ganacsiga caalamka, haddaba waxa inala gudboon, in aynu la jaan-qaaddo horumarkaa ka socda dalalka aynu deriska nahay.

Aniga oo hoggamiye ahaan ka duulaya aragtidaas, waxay Xakuumadda aan gadhwadeenka ka ahay, dedaal dheer u gashay sidii maal-gelin ku habboon loogu heli lahaa Marsada caalamiga ah ee Berbera. Eebbe mahadi, riyadaasi way rumowday

Maalgashiga, casriyeynta iyo ballaadhinta Dekedda Berbera wuxuu wax weyn ka beddeli doonaa nolosha iyo dhaqaalaha Bulshada Somaliland. Waxa kale oo uu dhiiri-gelin u noqon doonaa, mashaariic kale oo muhiim ah, iyo shirkado caalami ah, oo dalka maalgashi ku sameeya.

Dhinaca kale, maalgashigani waa mid fursado shaqo u abuuri doona, xoogga dhallinyarada dihin ee shaqo la’aantu hayso. Wuxuu kor u qaadaya iskaashiga ganacsi ee aynu la leenahay dalalka deriska, sida oo kale, wuxuu kor u qaadi doona xidhiidhka Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalka Isu-tagga Imaaraatka Carabta, kaas oo ahaa mid soo jireen ah qaraniyo badan, awoow illaa ka awoow.

Mudanyaal iyo Marwooyin,

Dawladda Somaliland waxay qadarin iyo ixtiraam weyn u haysaa, dalalka ay deriska yihiin, oo aynu dano badan wadaagno. Dalalkaas waxaynu nahay saaxiibo iyo jaal aad isugu dhow. Waxaannu aaminsanahay, in shucuubta ku dhaqan dalalka Geeska Afrika, ay yihiin dad walaalo ah, oo dano badan wadaaga. Waxaannu aaminsanahay, in horumarka iyo wanaaga midkood u soo kordhaa, uu ka kale u yahay sed iyo sareero.

Xukuumadayda waxaa ka go’an in aynu xoojinno xidhiidhka iyo wada-shaqaynta dalalka deriska ah,  iskana kaashano adkaynta amniga, la-dagaalanka argagixisada, budhcad badeedda, Tahriibta, Faqriga, Gaajada iyo Ganacsiga Sharci-darrada ah.

Sida aad la socotaan, waxaa jira heshiisyo kale oo jamhuuriyada somaliland iyo dawlada isutaga Imaaraaadka carabtu wada galeen, kuwaas oo ah kuwo amni iyo ganacsi, sida saldhiga miletari iyo shirkada diyaaradaha ee FlyDubai, oo si joogto u timaada maalin kasta Jamhuuriyadda Somaliland. Heshiisyadaa kala duduwan waxay sii xoojinayaan iskaashiga iyo wax wada lahaanshaha labada dal.

Xidhiidhka Somaliland iyo Isutagga Imaaraatka Carabtu ma’aha mid imika bilaabmay, laakiin waa mid muddo dheer soo jireen ahaa. Waxaan xasuustaa yaraantaydii, markii aan magaaladan Berbera ka baranayey Quraanka Kariimka ah, inuu jiray xidhiidh ganacsi oo xooggan oo ka dhexeeyey labada shacab.

Ugu dambayn, waxaan jecelahay in aan halkan mahad-naq ballaadhan uga soo jeediyo Madaxweynaha Dawladda aynu walaalaha nahay ee Isutagga Imaaraadka Carabta Sheekh Khaliifa Binu Zaayid Aal Nahyaan iyo Waliyul-cahdiga Sheekh Muxammed Bin Zaayid Aal Nahyaan iyo Raiisal Wasaaraha Dawladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed Binu Raashid Aal Maktoom iyo Shacbiga Dawladda Imaaraadka Carabta.

Sida oo kale, waxaan iyana halkan uga mahad naqayaa, dhammaan bulshada Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan bulshada ku dhaqan Gobolka Saaxil sida diiran ee ay u soo dhoweeyeen Mashruuca casriyeynta Dekedda Berbera. Waxaan si gaar ah u bogaadinayaa waayeelka, waxgaradka iyo haldoorka Gobolka Saaxil, sida hagar la’aanta ah ee ay isu barbar taageen Mashaariicda dalka iyo dadkaba waxtarka u leh ee ka socda magaalada Berbera.

Waxaan bulshada Somaliland ku boorinayaa, in ay la yimaadaan talo midaysan iyo tawfiiq wanaagsan, isuna diyaariyaan maalgashiga iyo fursadaha dhaqaale ee dalkeena ku soo aaddan”.

Ka dib waxa lagu soo noqday guriga Martida oo lagu qabtay kulamo muhiim ah oo ay ka mid ahayd qado sharaf balaadhan oo loo sameeyey madaxda Dp World iyo Masuuliyiintii ka socday dawladaha jaarka gaar ahaan Itoobiya, waxaana madashaa ka jeediyey khudbad muhiima Wasiiru-dawlaha gaadiidka ee itoobiya, (state minister of transport Mr. Abdissa Tedisa), ka dib markii ay xafladaasi soo dhamaatay, waxa waraysi gaara la yeeshay maamulaha Shirkada Dp World Sultan Ahmed bin Sulayem, said Tv Qaranka Somaliland qaybtiisa afka carabiga, ka dibna waxa loo gelbiyey dhinaca garoonka diyaaraha ee Kuwait Terminal of Berbera, oo ay ka dhoofeen weftigaas DP World dalka.

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.