Barakacayaal mudo sidii ay Muqdisho ku soo gaari lahaayeen jidka ugu soo jirey ayaa ugu danbeyntii dhib iyo rafaad ka dib yimid deegaanka weydow ee duleydka magaalada
Barakacayaashaan u badan beeraley iyo xoolo dhaqato iskuugu jira caruur iyo haween ayaa waxaa ku habsatay abaaro daba dheeraaday iyo colaado galaaftay nolosha in badan oo ka mid ahaa waxaana wajiyadooda laga dheehan karay macluusha ka dhalatay biyo iyo baad la.aan xili xoolihiina ay ka dhamaadeen ayey miciin bideen in ay magaalooyinka u ahabaabeen .
Kuntuwaarey sablaale dujuuma roob la.an
Barakacayaashaan ayaa waxay u baahan yihiin gargaar caafimaad iyo in loo sameeyo hoy bacyaal Musqulo halka caruurtoodana ay daneynayaan in ay helaan waxbarasho .
Qoorkood oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyey noloshooda sida ay tahay iyo waxyaabaha daruuriga ah oo ay u baahan yihiin iyaga oo bulshaweynta Somaliyeed iyo madaxda dowlada ka dalbaday in ay u sameeyaan dib u dajin rasmi ah