Maamulka dagmada dayniile oo madaxda dowlada ugu baaqay in dib u dajin Ku meel gaar ah loo sameeyo Barakacayaasha ka imanaya goobaha ay ku dagaalamayaan ciidanka dowlada iyo kuwa Alshabaab
Tan iyo wixii ka danbeeyey markii ay ciidmada dowlada iyo kuwa ka socda wadamda kale ee caalamka ay dardar galiyeen dagaalada dhanka ka h alshabaab ayaa waxaa soo badanayey dhibaatooyinka ka dhashaay waxaana guryahoodii ka barakacay qoysas badan oo uu dagaalku samaynta ku yeeshay
Qaar ka mid ah barakacaashaan oo dhawaan ka soo firxaday deegaano ka tirsan Gobolka Sh hoose oo soo gaaray dayniile ayaa tibaaxay in ay guryahoodii beero hooda iyo halkii ay daganaayeen uga soo carareen dagaalada ka socda owdheegle qoryooley sabiib iyo caanoole ceel saliini marko afgooye iyo deegaano kale
Barakacayaashaan u badan caruurta haween iyo dad waayeeloa kuwaasoo ay marti galaiyeen maamulka dagmada dayniile oo halkaa saxaafada kula hadlay ayaa sheegay baahiya ay qabaan waxayna ha.adaha deeqa bixiya iyo madaxda sare ee dowlada ugu baaqeen in ay gargaar la soo gaaraan
Gudoomiye ku xigeenka Siyaasada dagmada dayniile Axmed Nuur Axamed Adeerow ayaa gabagabadii ka hadlay xaalada barakacyaasha oo uu sheegay in ay culeyskooda dagmadu qaadi Karin sheegayna maamulka laguy garabsiiyo wax u qabashadooda