Home Afsomali Full VIDEO Qudbadii Raiisal Wasaare Xasan Cali Kheyre ee Arday Ka Qalin-jebisay...

Full VIDEO Qudbadii Raiisal Wasaare Xasan Cali Kheyre ee Arday Ka Qalin-jebisay Jaamacadda PSU Garowe ( DAAWO SAWIRADA )

y

 

 

Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre oo magaalada Garowe uga qayb galay xaflad shahaadooyin lagu guddoonsiinayay arday ka qalin-jebisay kulyadaha kala duwan ee jaamacadda Puntland (PSU) ayaa ku dhiirri geliyay qalin-jebiyaasha in aqoontooda ay ugu adeegaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa hambalyeeyay qalin-jebiyaasha, waxa uuna u mahadceliyay waalidiinta ardayda, dawlad gobaleedka Puntland, maamulka iyo barayaasha jaamacadda isaga oo sheegay in maanta ay tahay maalin ku wayn qalin-jebiyaasha iyo ummadda Soomaaliyeed inteeda kale.

“Idinkana waan idiin hambalyeyneynaa, waalidiintii idinku soo dadaalayna waan u mahadcelinayaa. Maanta waxa ay idiin tahay maalin wayn, Soomaaliyana maalin weyn ayey u tahay”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya ayaa u sheegay qalin-jebiyaaha in Soomaaliya ay dhibaata badan soo martay hase yeeshee ay soo kabaneyso oo ay haysato dariiqa rasmiga ah ee horumarka una baahantahay aqoonyahanno habeen iyo maalin usoo jeeda horumarinta dalka si Soomaaliya ay ula tartanto aduunyada inteeda kale.

Aqoonyahannada maanta la gudoonsiiyay shahaadooyinka ayuu Ra’iisul Wasaaruhu xasuusiyay in ay u qalin-jebiyeen dal ay qabyaaladu ka xoog badantahay qarannimada, musuq-maasuquna uu nolasha caadiga ah kamid noqday, sidaa darteed laga sugayo in ay u fakaraan qaabka ay u fakaraan ummadaha tartanku kala dhexeeyo, una shaqeeyaan si aan caadi ahayn si loo hagaajinayo, loona jeexo dariiqa wanaagsn ee mustaqbalka ummadda iyo dawladnimada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa u rejeeyay qalin-jebiyaasha in shahaadooyinka ay qaateen maanta ay noqdaan kuwii ay ku hagaajin lahaayeen dalka oo ay ku gaarsiin lahaayeen maqaamka ay mudantahay Soomaaliya in ay ka gaarto nolosha iyo ilbaxnimada dunida, waxa uuna kula dardaarmay in aqoontooda sii kordhiyaan maadaama ummaduhu ay u kala fursad wanaagsanyihiin sida ay u kala aqoon badanyihiin.

M

8172d558-23d6-4660-8f82-c8bc815ea5dc
79225c0f-239e-4e65-bc04-b9b5f1b7b874
289ee05d-ecb1-4072-b8cf-0f85891c1ca2
58bbdde4-64eb-46d1-954a-14caaeb66522
a9cb1ecd-32df-428c-be15-a61256c44f84
cb74276f-f8e0-4e4e-93b7-713b21626a08
b71197b0-014c-4375-8f43-9da0616d012d
a8165069-6523-4cb9-ba80-4a058744ec39
1a593474-2ca4-4d6d-b3a1-d693e59e2cd1
67a6ddd3-3d07-4358-b2fd-8725c3468e87
9fb9c40b-f8e7-4e41-b397-3b8e401b4560

 

–DHAMMAAD—-

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.