Home Afsomali Full VIDEO Raiisal wasaare Xasan Cali Kheyre oo Beeniyey In Dowlada Somalia...

Full VIDEO Raiisal wasaare Xasan Cali Kheyre oo Beeniyey In Dowlada Somalia ay Ethiopia la gashay Heshiis qayaano Qaran ah iyo Kulankii uu la qaatay Jaaliyada Norwey

Ugu horreyn Ra’iisul wasaaraha ayaa been abuur ku tilmaamay wararkaasi, waxaana uu sheegay in uusan jiro heshiis rasmi ah oo ay DFS la gashay Itoobiya.

R/wasaare Kheyre ayaa xusay in Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo madaxweyne Farmaajo uu dhexmaray kulan is faham ah, islamarkaana muhiim u ah labada dal.

Waxaana intaasi ku daray in dad leh dano gaar ah ay si kale u dhigeen wadahadalladaasi, sida uu hadalka u dhigay.

Raiisul wasaaraha Xukuumada FD ee  Soomaaliya oo kulana yeeshay  jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Norway ayaa kala hadlay arrimo badan oo muhiim ah wuxuuna beeniyey Wararka sheegaya in Ethiopia dowladu la gashay Heshiis Qayaano qaran lagu sifeeyey .

Kulankan waxa soo abaabulay Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee dalka Norwey  oo kaashanaya jaaliyadda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka qeyb galayaasha Munaasabadda u jeediyay khudbad dhinacyo baadan taabanaysa oo khuseysa xaaladda dalka, horumarrada la gaaray iyo rejada wanaagsan ee laga qabo in Soomaaliya ay mar kale cagadeeda isku taago, isaga oo u sheegay in looga baahanyahay bulshada Soomaaliyeed ee dalkaas in ay ka qayb qaataan horumarka dalka.

Wasiirka maaliyadda Xukuummada Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, oo munaasabadda ka hadlay ayaa faahfaahiyay horumarka dhanka dhaqaalaha ee laga sameeyey dalka muddadii ay jirtay xukuummadda uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Khayre.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Nowray ayaa iyana waxa ay Dawladda Soomaaliyeed ku ammaaneen waxqabadka muuqda, iyaga oo ugu duceeyey in Illah uu ku guuleeyo hawlaha qaran ee loo igmaday.

.

.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.